FAALLADA WARGEYSKA: Af-Soomaaliga oo Agoon ku ah Caasimaddii Xarunta Looga Dhigay

Sawirradan ayaa tusaale u ah sida uu af-Soomaaliga agoon ugu yahay caasimaddii xarunta looga dhigay /Xaqiiqa Times

Burburka Soomaaliya ku dhacay ayaa meelaha ugu daran ee uu si cad uga muuqdo, raadad xunna ku reebay waxaa ka mid ah Afka Soomaaliga. Nasiib darro hay’adaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ayaa luqadda ay wax ku qoraan, xaafiisyadoodana ku dhagsadeen waxay tahay Af-Ingiriis. Waxaa la yaab leh in aan xitaa sababta loogu qoray la garan karin, maadaama luqadaha rasmiga ah ay yihiin Af-Soomaali (Maay & Maxaa Tiri) iyo luqadda Carabiga sida uu dhigayo dastuurka kumeel gaarka ah.

Waxaa isweydiin leh waa maxay sababta adeegsiga Ingiriiska uu u noqday afka lagu qoro warqadaha ay isdhaafsanayaan xaafiisyada dowladda, kuwa gaarka ah iyo dhamaan hay’adaha kale ee dalka ka shaqeeya.

Waxaa noogu naxdin badneyd markii aan aragnay shirkadaha xawaaladaha, telefoonnada, dukaamada, bankiyada iyo boorarka ku dhaggan waddooyinka ay dhamaan noqdeen kuwo lagu qoray af-Ingiriis. Xitaa warqadaha qaansheegadka ah waxa ay ku qoran yihiin afkaas. Waxaa kaloo la yaab ah in afartii bil ee u dambeysay jidadka laamiga ah ee caasimadda sida kan Maka Al Mukaramma lagu qoray afka Ingiriiska, lagana baabi’yay afkii Soomaaliga oo isagu dhintay iyo Carabigii oo 25-kii sano ee u dambeeyay hirgalayna haatan uu gabaabsi yahay oo uu dugsiyo kooban kusoo haray.

Waxaa kaloo jirta in madaxda dowladda khudbad kasta oo ay jeedinayaan laga dhadhansan karo in ereyda ugu badan ay yihiin kuwa Af-Ingiriiska. Su’aashu waxa ay tahay waa maxay sharciga loo cuskaday in sidaa loola diriro afafkii dastuuriga ahaa? Ummadduse maku baraarugsan tahay in dabargoyn dadban afkii hooyo lagu hayo? Yaase ka dambeeya? Haddii lagu guuleysto qiimo-tirka af-Soomaaliga oo ah waxyaabaha ka haray sooyaalkii Soomaaliya ee qarniyada soo jiray, isaga oo aan qorneyna kumannaan sano awooweyaasheen ay noo ilaaliyeen ilaa laga qoray maanta, miyaaney ceeb ku ahayn Soomaalida nool in ayaga oo arkaya uu hortooda ku dhinto afkoodii oo ay ku beddeshaan luqado kale oo lasoo minguuriyay?

Waxaa kaloo xusid mudan in boqollaal arday oo tayo iyo tiraba leh oo shahaadooyin sare kasoo qaatay jaamacad Carbeed ay shaqo la’aan ku yihiin magaalada Muqdisho sababtuna waxa ay tahay iyada oo aan aqoonba loo arag afka Soomaaliga iyo kan Carabiga ah, lagana doorbido qof aan labadaas mid aqoon, oo ay u dheer tahay khibradda iyo aqoonta uu Soomaaliya u leeyahay oo hooseysa. Afka Soomaaliga oo agoon ku ah caasimaddii (Muqdisho) loo dhagax dhigey inay xarun u noqoto ayaa maanta waxa uu u baahan yahay gurmad iyo waxgarad u istaaga oo badbaadiya, annaga oo og sanooyinkii tagey inay geeriyoodeen dad lafdhabar u ahaa af-Soomaaliga iyo sooyaalkiisaba sida Dr. Xuseen Sheekh Axmed Kadare, Aw Jaamac Cumar Ciise, Shariif Saalax, Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye, Abwaan Maxamed Xersi Yamyam, Qaryaan Cabdullaahi Macalin Dhoodaan iyo ugu dambeyntii rag wax ku qori jiray afka Soomaaliga sida C/Shakuur Mire Aadan iyo Maxamed Aadan Guuleed (Caano Geel).

Soomaaliyeey isdaba qabta inta aan la dabar goyn afka hooyo. Waxaa hubaaal ah ummad aan af lahayn in aysan qiimo ku dhex yeelan bulshooyinka caalamka.

Sawirradan ayaa tusaale u ah sida uu af-Soomaaliga agoon ugu yahay caasimaddii xarunta looga dhigay /Xaqiiqa Times
Sawirradan ayaa tusaale u ah sida uu af-Soomaaliga agoon ugu yahay caasimaddii xarunta looga dhigay /Xaqiiqa Times
2
Sawirradan ayaa tusaale u ah sida uu af-Soomaaliga agoon ugu yahay caasimaddii xarunta looga dhigay /Xaqiiqa Times

 

Sawirradan ayaa tusaale u ah sida uu af-Soomaaliga agoon ugu yahay caasimaddii xarunta looga dhigay /Xaqiiqa Times
Sawirradan ayaa tusaale u ah sida uu af-Soomaaliga agoon ugu yahay caasimaddii xarunta looga dhigay /Xaqiiqa Times