FAALLO: Anigu Dam Jadiid Ma ihi!!!

Hadii aad Muqdisho ku nooshahay hala yaabin in uu kugu bato maqalka ereyada ‘Dam Jadiid ma ihi’ iyo ‘Hebel waa Dam Jadiid’.

Waxaad arkeysaa siyaasiyiin isugu jira xildhibaanno wasiirro iyo kuwa kale oo sheeko la wadaag ah  oo marka ay wax kuu sheegayaan hadalladooda hadba kasoo butaacayaan ereyada ah ‘Anigu Dam Jadiid ma ihi iyo hebel waa Dam Jadiid’.

Waxaa jira dad badan oo aad u dhaliila, kana sheekeeya ceebaha dawladda uu Madaxweynaha ka yahay Xasan Sheekh. Dadkaasi mucaaradka ku ah oo isugu jira xisbiyo diini ah oo ayagu sii kala jabay, qaarkoodna ay dam jadiidku ka go’een sida xisbiga Al Islaax oo saddex garab u kala jabay iyo xisbiga kale ee loo bixiyay Aala Sheekha oo laga wado raggii ku hareereysnaa  Sheekh Shariif.

Waxaa kale oo jira xisbiyo ay sameysteen dhawaan rag jagooyin laga qaaday oo uu ugu horreeyo Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur (Tarzan) oo furtay xisbiga Bulshada Cadaaladda,  Xasan Macalin oo xildhibaan ah, horena saaxiib dhaw  la ahaa Sheekh Shariif  ayaa isaga furtay xisbiga Daljir.

Cabdiraxmaan Macallin Cabdulaahi Baadiyoow oo kamid ahaan jiray hogaamiyayaasha ururka  Al Islaax, kadibna noqday raggii doorashada madaxtinnimo kula tartarmayay Xasan Sheekh, ayaa isagana  waxa uu furtay Xisbiga Midnnimo Qaran.

Dhamana xisbiyada aan xusnay iyo kuwa kaleba waxa ay ku bahoobeen Madasha Midnimada iyo Dimuqraadiyadda, waxaana Gudoomiye  looga dhigay C/wali Sheekh Axmed oo isaga laftiisa ahaa Ra’iisul Wasaarihii u dambeeyay ee Barlamaanka uu xilka ka qaaday kadib buuq siyaasadeed oo dhex maray isaga iyo Madaxweynaha.

Marka aad milicsatid barnaamijka siyaasadeed ee xisbiyadan ayaa waxaa laga dheehanayaa waxa kaliya ee mideeya in ay tahay ‘Damul Jadiid ma ihi’ iyo in kursiga laga kiciyo dam jadiid iyo xulafadooda. Marka laga reebo xisbiga C/raxmaan Baadiyoow oo markasta gooni u taagnaa, inta kale waxa ay xisbi furashada iyo damul jadiid la dagaallanka bilaabeen markii jagooyin ay ka waayeen dawladda Xasan Sheekh, qaarkoodna laga qaaday xilal hore ay u hayeen.

Hadaba su’aashu waxa ay tahay sida siyaasad ahaan loo aqbali karo rag maamulkooda la soo tijaabiyay, walina fashilkoodii siyaasadeed uu muuqdo in ay haatan dhahaan ‘Anaggu Dam Jadiid ma nihin ee hanala doorto’.

Tan kale waxaa isweydiin leh sida ay isula jaanqaadi karaan ragga madashan ku midoobey ee kala afkaaraha duwan, intooda bandanna hore saaxiib ula ahaa ama lasoo shaqeeyay kooxda haatan fadhida Villa Soomaaliya.

Islaax, Itixaad, Aala Sheekh iyo Damul Jadiid oo iyaga oo intan ka awood badan heshiin waayay dhexdooda miyay dhici kartaa in madal mucaarad ah oo uu madax u yahay C/weli Sheekh Axmed oo aan khibrad urur diimeed iyo mid urur siyaasadeed oo hore midna lahayn, halka uu siyaasadda kasoo galeyna ay ahayd magaacbistii Madaxweynaha, in ay ku heshiiyaan?

Sidee ayay Madashu Soomaalida uga dhaadhicin kartaa wixii aan Damu Jadiid aheynoow nagu soo biira si aan xukunka uga ridno iyada oo xisbi kaliya lagu soo xulayo Barlamaanka 2016?

Aaway Soomaalidii kale oo aan xisbiyo lahayn, xukunna heysan, doonayana inay talada dalka ka qeyb qaataan?

Shacabkii waxaa lagu jahwareeriyay dagaal lala dagaallamayo xisbi aan jirin (Dam Jadiid) oo mar hore kala daneystay iyada oo la iska indha tirayo arrimaha dhabta ah oo ay tahay siyaasad ahaan in laga hadlo, dadkana loo ifiyo kuwaas oo ah amni xumida baahsan ee dalka ka jirta, cadawga gudaha iyo dibadda oo faragelin ba’an ku haya qarranimadii Soomaaliya, baahida iyo saboolnimada baahsan ee dalka ka jirta iyo sida looga gudbi karo caqabadaha hortaagan soo celinta qarannimadii luntay.

Waa nasiib darro in lagu mashquulo xisbi isaguba kala irdhoobay kadib markii ay xukunka qabteen oo firxadkoodii ay madasha kamid yihiin. Wax caro shakhsi iyo koox lagu dhisay waa midda Soomaaliya wajigan u yeeshan ee Soomaalaay hore ma u soconnaa oo danaheenna ma garannaa?