FAALLO: Daryeel Xumada Shaqaalaha Soomaaliyeed

shaqaale
Xamaalatada Soomaaliyeed ma helaan xaqooda, mana jirto cid u taagan difaaca xuquuqda ka maqan.

Maalinka 1da May oo loo asteeyay xuska maalinta shaqaalaha aduunka, Soomaaliyana muddo dheer laga xusi jiray ayaa nasiib darro waxaa xuskoodu uu ka dhacay hoolka shirarka ee Huteelka SYL taas oo ahayd hawsha kaliya ee ay awoodaan Wasiirka iyo hawl wadeennadiisa kale ee Wasaaradda Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada iyada oo waliba 3 bilood aysan shaqaalaha xukuumadda u shaqeeya aysan wax mushaar ah qaadan.

Waayihii hore bilo ayaa qabanqaabada xuska maalintaas loo diyaargaroobi jiray, waxa ayna socod ku soo mari jireen iyaga oo urur urur iyo koox koox u socda fagaaraha tarabuunka, waxa ayna soo bandhigi jireen hawlihii ugu dambeeyay ee shaqaaluhu ay dalka kusoo kordhiyeen.

Nasiib darro, in maanta huteel gudhiis lagu xuso duruufta dalka ka jirta ayaa keentay, waliba loo dabaal dago iyaga oo aan helin xuquuqdii ay ku lahaayeen laamaha kala duwan ee dowladda.

Shaqaalaha Soomaaliya ugu liita ayaa waxa ay yihiin kuwa dowladda u shaqeeya, halkii la rabay in ay noqdaan kuwa ugu nolol wanaagsan marka dhinac kasta laga eego.

Waxaa xusuusin mudan in shaqaalo ajnabi ah oo kumannaan gaaraya oo aan wax canshuur ah laga qaadin, ruqsad shaqo oo dalka laga siiyayna aan haysan in ay ka shaqeeyaan guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, annaga oo ka dharagsan shaqa la’aanta baahsan ee dalka ka jirta iyo sida dhallinyarada Soomaaliyeed ay waddooyinka shaqo la’aan awgeed u fadhiyaan.

Ilaa iyo hadda wax laga qabtay daryeel xumada shaqaalaha rayidka ah ee dowladda, ciidamada qalabka sida  iyo kuwa shirkadaha gaarka ah u shaqeeyaba ma jiraan. Shirkadaha waaweyn ee gaarka loo leeyahay sida isgaarsiinta, xawaaladaha, iyo diyaaradaha ayaa waxa ay yihiin kuwa ugu wanaagsan dhanka macaamilka iyo daryeelka shaqaalaha xilliga haatan la joogo.

Waxaa jira shaqaale kale oo dhibbanayaal ah sida haweenka muruq maalka ah oo adeegtada loo yaqaano kuwaas oo si xun loogu shaqeysto, xuquuqda ay leeyihiinna aan loo dhameystirin. Tusaale ahaan waxaa dhacda in haweeney danyar ah ay reer u shaqeyso, dharka u dhaqdo, cuntadana u kariso hadana aad loogu dhibo mushaarkeeda iyada oo mararka qaar lagu yiraahdo musharakaagii cunto ayaan kaaga jarnay.

Waxaa jira in qaarkood loo geysto jirdil, xabsi iyo handadaad. Waxaa jira dhacdooyin murugo badan oo la xiriirta arrimahaas balse aan halkan lagu soo koob karin.

Masuuliyiinta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa waxaa laga sugayaa in ay soo bandhigaan shruucdii shaqaalaha ee xaddidi lahaa dadka gaarka ah iyo ajnabiga dalka ka shaqeeya iyo kuwa dowladda sida ay xuquudooda u heli lahaayeen iyada oo isla markaasna loo baahanyahay in warbaahinta looga gudbiyo xuquuqda ay shaqaalaha leeyihiin iyo ciddii ku xadgudubto ciqaabta ay mareyso si loola dagaallamo xadgudubka ba’an ee lagu hayo shaqaalaha Soomaaliyeed.