Tuesday, November 24, 2020
Home Wararka Maanta Faallo: Dowladda Soomaaliya waa inay qaadataa kaalinteeda Hogaamineed ee lagama maarmaanka ah

Faallo: Dowladda Soomaaliya waa inay qaadataa kaalinteeda Hogaamineed ee lagama maarmaanka ah

344

Toddobaadkan kala qeybsanaanta iyo tafaraaruqa u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah ayaa gaaray heer xasaasi ah. Hoggaamiyaha maamulka Galmudug, Axmed Ducaale Xaaf, ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka inay faragalin xoog leh ku hayaan siyaasada gudaha maamulkiisa kaddib markii uu ka soo laabtay booqasho uu ku tagay Imaaraadka Carabta halkaas oo uu qirtay inuu raadinayay kaalmo dhaqaalle isagoo ku beddelanaya taageerida xulufadda uu Khaliijka ee uu hogaaminayo Sacuudiga ee ka dhanka ah waddanka Qadar.

Illaa iyo hadda, 4 ka mid ah 5ta dowlad goboleed ee xubnaha ka ah Dowladda Federaalku waxay si cad u sheegteen inay ka baydheen go’aankii rasmiga ahaa ee Dowladda dhexe ee ku saleysnaa inay dhexdhexaad ka tahay dowadda Soomaaliya qalalaasaha u dhaxeeya dowladdaha Gacanka iyadoo ay jirto in bayaankii uu soo saaray Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane Yusuf Garaad ee uu ku cadeeyay inaysan dastuurka  waafaqasaneyn in dowlad goboleedyaddu ay fara galiyaan arrimaha siyaasadda dibadda Soomaaliya.

Bayaankaas ama warka  ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa ku dhacay dhagaha cid aan u diyaarsanayn wax maqal. Wasiirku xaq ayuu u leeyahay inuu sheego in siyaasadda arrimaha dibaddu ay tahay arrin Federaal ah oo u taala dowladda dhexe, balse bayaan soo saaritaan aan lahayn hoggaan iyo tallaabo cad cad ee dowladnimo waxay horseedaysaa inay sharciga aanay dhowrin maamulada ka tirsan Dowladda Dhexe, sharciyadan ayaa kaliya u jiri doona inay ka faa’iideystaan ​​Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka mar kasta oo ay doonayaan inay wiiqaan Xukuumadda oo ay ka dhex arki wayaan danahooda gaarka ah.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay u muuqataa mid markii ay xasarad ka soo baxdaba sii galaysa mid hor leh xasaradahaas oo badanaa ku bilowda si aan la sadaalin karin. Qulqulatada siyasadeed iyo bulsho ee soo kordha mar walba gaar ahaan sida midan khilaafka wadamadda Khaliijka waxaa si guul leh loogu maareyn karaa inay Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka iyo dowladda dhexe ay wadajirka ah iskula gorfeyaan go’aanka dowladda dhexe ee dhexdhexaadnimo  iyadoo madaxda sare ee dowladdu ay khad cas mariyaan xeyn-daabka mas’uuliyadeed iyo mid shaqo aanay soo dhaafi karin maamuladda ka tirsan dowladda sida siyaasadda arrimaha dibadda. Dhexdhexaadnimadu waa istiraatiijiyad siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed ee ugu wanaagsan marka loo eego faa’iidada xilliga fog tiyoo uu jiro cadaadiska iyo fara-galinta ka soo horjeedka isbahaysiga Sacuudiga-UAE ee ka dhanka ah Qatar.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waa in lagu ammaano go’aanka dhexdhexaadnimo ee khilaafka Gacanka Khaliijka, go’aankan ayaa ka duwan midkii ay jar iska tuurka ahaa ee hore ay u qaadatay dowladii hore ee ku saleysnaa in lala safto dagaalka Sacuudiga ee Yemen, iyadoo go’aamo isla kuwaas la mid ah ay dowladii hore ku tageertay Sacuudiga talaabooyin ka dhan ah Sweden iyo Iran. Si kastaba ha noqotee, dhibaatada hadda jirta waxay u baahan tahay in go’aanka dhexdhexaadnimo ee Soomaaliya uusan wiiqin awoodda Dowladda Federaalka oo markii horeba aan awood u laheyn inay maquuniso Maamuladda xubinta ka ah Dawladda Federaalka.

Asbaabta ku kalifaysa Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka inay burburiyaan Dowladda Dhexe ayaa ah inay abuuraan caqabado, fursado qalalaase huwan iyo danaysi shakhsiyeed. Hoggaamiyayaasha dawlad-goboleedyada waa inay ogaadaan ficiladoodu inay kalifyaan in loo aqoonsado calooshood u shaqeystayaal mawqifkooda ku badalanaya hanti iyo danno siyaasadeed oo ay dhaafsanayaan masiirka umadda iyo dadka Soomaaliyeed ee ay sheegaan inay matalaan. Tani waxay dhaawacaysaa dadaalka Dowladda Soomaaliya ee ku aaddan dhismaha qaranka iyo dib u eegista dastuurka. Ma jiro sharaf ama qab-Soomaalinimo oo ogolonaaya arrintan. Ma jirto xaq u ogolaanaya hoggaamiyeyaasha gobollada inay danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed ka hormariyaan midda ajnabiga ee ka faa’iideysanaya heykalka dowladeed ee daciifka ah iyo dhibaatooyinka dhaqaale ee hadda heysta Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waa inay si deg deg ah u xallisaa qalalaasahan iyadoo loo marayo shirarka Hogaaminta Qaran si ay ugala xaajodaan sidii hore looga socon Meesha hadda la joogo. Caqabadda ugu weyn ee ka jira Dowladda Soomaaliya ma ahan kaliya mid diblomaasiyadeed, laakiin xasillooni siyaasadeed iyo midnimo gudaha dalka ah waa lagama maarmaan. Dowladda Federaalka Soomaaliya hadda malaha cudud dhaqaale oo xoogan, mid siyaasadeed iyo mid militari intaba oo ay wax uga qabato sunta qabyaaladda ee ay mar walba adeegsadaan hogaamiyayaasha goboladda.

Si kastaba ha ahaatee, dowladda dhexe waxay wali leedahay awood shacbi iyo tageeradda hey’addaha caalamiga ah iyo dowladdaha u soo jeeda xasilinta Soomaaliya, midaas oo u sahlaysa inay banaanka soo dhigaan kuwa doonaya inay maja xaabiyaan jiritaanka dowladnimo iyadoo dal iyo dibad ba loo marayo sidii looga samatabixin lahaa inay ku celiyaan mar kale Soomaaliya halkii ay ka timid. Si arrintan wax looga qabto iyadoo la eegayo muddada dheer, xukuumadda Federaalka Soomaaliya waa inay dhamaystirto dib u eegista dastuurka, awood u siiso Maxkamadda Dastuuriga ah isla markaasna ay kordhiso awooddeeda fulinta. Waxaa intaa dheer, waa inay wadahadal dhab ah oo ku saabsan wadashaqeynta, awoodda iyo kheyraadka iyo sidoo kale federaalka iyo maaliyadda ay la yeelataa dowlada goboleedyada xubnaha ka ah dowladda, haddii la xalliyo arrimahan, waxay siin kartaa Dowladda Federaalka kartidda iyo awood ay xajisato maamulkeeda isla markaasna ay ku xoojiso xiriirka Maamuladda xubinta ka ah Dawladda Federaalka.  Haddii aanay dowladda dhexe gudaheeda is hagaajin, Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay had iyo jeer noqoneysaa mid daciif ah oo u nugul dhibaatooyinka siyaasadeed. Tani waa wax Xukuumadda Dhexe aysan awoodi Karin haddii ay doonayso inay fuliso qorshaheeda dib-u-habeeynta iyo horumarinta dalka.