Faallo: Maxaa keenay in Kenya ay sidan u soo dhowayso madaxwayne Farmaajo

630
Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo bidix Madaxwaynaha Kenya Uhuru Kenyatta Midig--- sawirkan waxaa la qaaday 23 ka Maarso ka dib shir toos ah labada hogamiye ay Ku qabteen Nairobi

 

Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo bidix Madaxwaynaha Kenya Uhuru Kenyatta Midig---  sawirkan waxaa la qaaday 23 ka Maarso ka dib shir toos ah labada hogamiye ay Ku qabteen Nairobi
Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo bidix Madaxwaynaha Kenya Uhuru Kenyatta Midig— sawirkan waxaa la qaaday 23 ka Maarso ka dib shir toos ah labada hogamiye ay Ku qabteen Nairobi

Dawladda Kenya iyo madaxdooda  ayaa subaxnimadii maanta ee Khamiista soo dhaweeyn rasmi ah iyo sharfid u sameeyey madaxweyne  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shalay Booqasho ku tagey Kenya.

Xafladda soo dhaweynta oo si weyn loo soo diyaariyey  ayaa waxay  ka dhacdey Aqalka Madaxtooyada ee Nairobi.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa loo ridey 21 madfac, waxaana loo garaacey heesta calanka Soomaaliya isaga oo salaan sharaf ka qaatey ciidanka bambeyda Kenya.

Labada Madaxweyne ayaa xafladda kadib wada qaatey kulan ay uga hadlayaan xiriirka labada dal iyo Siyaasadda dawladaha IGAD oo waqtiga abaar xun ka jirto .

Wadanka kenya ayaa waxaa ku nool Qaxooti badan oo labada dawlad  dhawr jeer ay ka wada hadleen. Dawladda Kenya ayaa doonaysa in Qaxootiga Soomalida lagu soo  celiyo wadankooda  hooyo ee Soomaaliya.

Waxaan go’aansaday inaan Faaleeyo —- maxay tahay Danta sida gaarka ah Dawlada keniya u daneeneyso Hogaanka madaxweyne Farmaajo.

Maxaa  keenay in ay waqtiga kenya iyo hogaanka madaxweyne uhuru kenyata si wayn u soo dhaweeyaan   madaxweyne Farmaajo.

Farmaajo ayaa loo soo dhoweeyay soo dhowayn aysan heli jirin madaxwaynayaashii soo maray dalka Soomaaliya labaatankii sano la soo dhaafay.

Kenya ayaa gantaalo rasaastooda lcag badan Ku fadhiya u riday madaxwayne Farmaajo.

Waxaa  jira wax iska caadiya oo dawladuhu isticmaalan  Taas oo ah in dawlad kasta xiriir wanaagsan la yeelato  shaqsiga ay u aragto in uu danteedu jirto inay xiriir fiican la yeelayo.

Waxaa sharaxayaa Qodobada ay kenya isleedahay  waa isla fahmi kartaan Dawlada uu hogaaminayo madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

1)  Arinka Qaxootika soomaalida ee kenya ku nool muda ku dhaw 30 sano Dawlada kenya arinka waxay doonaysaa inay xal u hesho.

Waxaa jira Qorsho  ay dowladda Kenya  ku dooneysay in dib  ugu soo celiso dalkooda qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool xerada Dhadhaab ee dalka Kenya .

Arinkan waxay  Dawladda Kenya isku   fahmi waayeey Dawladii uu hogaaminayey madaxweynihii hore ee Soomaaliya mudane Xasan Sheikh  Maxmuud.

Arinka  la isku qabtay  wuxuu ahaa dhaqaalaha caalamku  ku  bixinayo  qaxootiga soomaalida yaa ka masuul ah hawshaa fulinteeda
Dawlada kenya iyadaa doonaysay  wixii dhaqaalo ah inay maamusho

Dawlada kenya ayaa aaminsan in madaxweyne farmaajo ay si wanaagsan isku fahmi doonaan arinka Qaxootiga waxay dawlada kenya aamin santahay  in dhaqso loo dhaqan-galin karo

Heshiiskii  2013 ee ahaa in  dib loogu celinayo qaxootiga soomaalida ee Kenya ku nool heshiiskaa waxaa kala saxiidey   dowladaha Kenya,Somalia iyo  hay’ada qaxootiga Qaramada Midoobay UNHCR.

Dawlada kenya waxay si weyn u ogtahay in madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo isaga iyo Qayskiisu ay waayo aragnimo weyn u leeyihiin macnaha Nolasha Qaxootiga ama Somali diaspora. Markaa  way Fududaanaysaa in madaxweyne iyo Raysal wasaarihiisu soo maree nolol Qaxooti ah markii Danbana isku badashay Qorbajoog ama somali diaspora.
Arinka way fufuday in labada Dawladood kawada shaqeeyaan iyagoo kaalmo ka helaya dawladaha deeq bixiyaasha.

2)  Qodobka labaad ayaa ah Arinka beesha mareexaan iyo xuduudka kenya iyo somaaliya  sida Nabad looga dhilinkaro —Alshabaana looga guulaysan karo.

Dawladda kenya ayaa waxaa ay dagaal adag kula jirtaa kooxda al shabaab  waxaa jiray Gudi dowladda Kenya u xil saartay weerarkii Alshabaab ku qaadeen  deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo.

Guddiga ayaa baarayey doorkii ciidamada dowladda Soomaaliya ee beesha mareexaan
ku lahaayeen weerarkii ka dhacay deegaanka Ceel-cadde. gudigan ayaa wuxuu beesha Mareexaan ku eedeeyay in Al-Shabaab p ku taageereen dagaalka ka dhacay deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo. weerarka ka dhacay magaalada yar ee ceel cadde ayaa waxay al-Shabaab ku xasuuqeen ciidanka kenya ilaa ciidan ka badan 200 sida la sheego ayadoo dowladda Kenya aysan soo bandhigin tirada halkaasi looga laayay.

Arinkan wuxuu dawladda Kenya ku qasbay inay diyaariso shir dhexmara   Dowlada Kenya iyo Beesha Mareexaan— shirkaa oo ay ka soo qayb galeen  siyaasiyiin caan ah oo uu ka mid yahay Rayal wasare  Cabdiwali Sheekh Axmed iyo Raysal wasaare  Cabdi faarax Shirdoon (SAACID) iyo Ugaaska Beesha Mareexaan. shirkan wuu ka maqnaa waqtigaa madaxweyne farmaajo oo ahaa xiligasi Raysal wasaaraha dalka Soomaaliya.

Shirkaa waqtigaa dhacay ayaa arimo badan looga haday oo ay Ku jirto  sidii dowlada Kenya iyo Beesha Mareexaan isaga kaashan lahaayeen amaanka xadka dheer ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya oo beesha (Sade marixaan )ay Ku badan yihiin.

waxaa kaloo laga hadlay sida xogta aan Ku halayo  in dawladda Kenya joojiso  Eedaynta ay u soo  Jeedisay Beesha Mareexaan  inay wax ka ogeed Weerarkii Ceel-cade,  iyo inay Taageeraan kooxaha alshabaab.

Dowladda Kenya ayaa aaminsan in madaxweyne  Farmaajo wax badan ka qabankaro xiriirka reerka uu ka dhashay Madaxwayne Farmaajo iyo Dawlada kenya iyo sidoo kale
soomaalida degta  xuduudda Kenya iyo Soomaaliya u dhaxaysa.l

Dowladda Kenya ayaa mudo badan waxay dagaal kula jirtaa  kooxda l al-Shabaab ee ka soo weerara dhinaca xuduudka u dhaxeeya kenya iyo Somalia.

Dawlada Kenya wax guula way ka keeni wayday dagaalada— waxaana uga baxay Qarash badan waxaa uga dhintay ciidan badan iyo shacab baden.

arinka xuduudda u dhaxeeya Soomaaliya iyo kenya haduu hagaago waxay guul wayn u tahay Dawlada madaxweyne uhuru kenyata oo dhamaadka sanadkan  Galayaa  Doorasho adag  oo uu cod kaga Raadinayo  Gobalka ugu weyn kenya ee loo yagaan  Waqooyi bari oo ay Soomalidu ay degto.

Sida aan Falanqeeyey Madaxweyne Farmaajo  Somaliya iyo Madaxweyne  Uhurro Kenyatta waxay labaduba ka wada hadleen  waxa dantoodu tahay  Taasi oo ah sidee ugu fudud ee kooxda al-Shabaab looga guulaysan karaa  —waqtigan hada lagu jiro waxaa dagaal toos ah wada kooda al-Shabaab oo diidan joogi taanka ciidamada Kenya ee qaybta ka ah howl-galka midowga Africa AMISOM we  Soomaaliya.

Waxay dad badan is waydiinayaan  waxay kooxda al-Shabaab uga dagaalami waydey xuduudka u dhaxeeya Somalia iyo Itoobiya oo ay uga dagaalamayaan xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Waxaa Falanqeyntayda ku soo Gabababeenaya Way badan yihiin waxa ay ka sugayso dawladda Kenya hogaanka madaxweyne Maxaned cabdulaahi farmaajo  in ay  wada shaqeeyaan.

Sida aan u arko  Qodobada labada madaxweyne ku heshiyeen waxay kala yihiin maanta waa heshiis muuwqa caadi ah.

A—- in la joojiyo diyaaradaha rakaabka Muqdisho ka baxa marriinkooda yahay magaalada Wajeer, ayna toos Nairobi u tagaan.

B— Kenya inay Soomaaliya dalkeeda iyo kharashkeeda ugu tababarto 200 kalkaaliyaal caafimaad ah,  200 bare— Macalimiin iyo 100 shaqaalaha maamulka ah.

C—-Dublomaasiinta iyo shaqaalaha haysta baasabboorka adeegga (service) ee labada dal in ay fiiso la’aan u kala gooshi karaan Soomaaliya iyo Kenya.

E–   –Xuduudda labada dal in muddo 30 cisho gudaheed ah laba meelood laga furo: Beled-Xaawo, Mandera iyo Dhoobley iyo Libooye.

D —– Xerooyinka Qaxootiga Dhadhaab in Soomaalida ay Ku nool yihiin looga furo dugsiyo farsamada gacanta lagu barto.

Qodobada   ugu  weyn ee sida hoose looga wada hadlay ayaa ah  Qaxootiga soomaalida ee kenya ku nool in la celiyo waqti dhaw iyo in xal loo helo arinka xuduudda Kenya iyo Soomaaliya labadaa Qodob ayaa ah mid siyaasadeed oo u baahan in la isla fahmo.

Si meesha looga saaro dhibaatada iyo Dagaalada ay wadaan kooxda al shabaab.

Faaladan waa fikirka qoraaga ee kama turjumayso siyaasadda Xaqiiqa Times

W/Q    Maxamed Caalim, oo ka faalooda arrimaha Soomaaliya iyo Geeska Africa.  Caalim waxaan uu degan yahay dalka Finland