Faallo: Maxay yihiin casharadda laga bartay baaritaankii Qalbi Dhagax?

263
Abdikariim Sheikh Muse, Qalbi Dhagax Photo/ Google

Muqdisho (XT) – Guddiga Barlamaanka ee loo saaray in ay soo baaraan kiiskii cabdikariim Sheekh Muuse oo loo yaqaan Qalbi Dhagax ayaa soo gabagabeeyay baaritaankoodii. Baarlamaanka Soomaaliya ayaa iyaguna ku raacay go’aan jahwareersan ee Guddiga kaasi oo u muuqday mid aan barax tirnayn. Guddiga ayaa eedooda meel fog gaarsiiyay, su’aallo badan oo ku saabsan ama ku xayn daaban arrintaana soo bandhigay.

Ummadda Media ayaa ahayd warbaahintii ugu horresay ee ku baaqday in Guddi madax bannaan loo saaro arrinta Qalbi Dhagax, waanu soo dhawaynaynaa in hadda la soo gabagabeeyay.Sikastaba, waxa jira casharo muhiim ah oo ay tahay in laga barto dhammaan waxyaabihii dhacay.

Cashirka 1-aad: Xaqiiqada

Xaqiiqada ayaa mar kasta ah waxa u ugu muhiimsan marka ay timaado baaritaan madax bannaan,laakiin taasi marnaba laguma guuleeysan intii lagu guda jiray baaritaankii Qalbi dhagax. Dareenka qiirada leh iyo hadalada isburinaya ee madaxda ayaa arrinta uga sii daray. Xildhibaano mucaarad iyo qolyaha u dhaqdhaqaada bulshada ayaa iyagana waxba dhaammin. Oo qaylo dhaantii uga faa’iideystay in ay dawladda ku mucaaradaan,iyadoon taasi meeshaba oolin.

Warbixinta guddiga waa in la bogaadiyaa ka run sheegeeda ah in aysan heyn caddeeymo buuxa taas oo keentay in aan la gaarin gunta arrintaan.Waxaanse marnaba la cafin Karin ka gaabiskooda ay ka gaabiyeen in ay qiraan in aysan ugu mudneeyn inta wax baarta, iyo  in aysan laheyn aqoontii iyo farsamadii wax lagu baari lahaa. Lagana yaabee in dhexdhexaadnimo la’aan ayaa taa usii dheertahay. Si looga dheeraado in arrintaan oo kale ay dhacdo waa in dawladu u saarto dad aqoon u leh,kuwaas oo marnaba ka baqeyn in dadka ay la wadaagaan wax walba oo ay soo ogaadaan.

Cashirka  2-aad: Wada-shaqeynta dawladda

Dhacdadii Qalbi dhagax waxa ay bannaanka keentay dayacaada dawlada ka heeysata dhinaca ka jawaabida cabashooyinka iyo dhaliisha dadweynaha. Dhacdadii Qalbi dhagax ayaa aheyd midda ugu cabsida badan Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha, kuwaas oo ahaa hogaanka ololha Itoobiyaan diidnimada si ay taageero u helaan doorashadii ka hor. Ugu danbeytiise waxaa aamusiyay oo ka xoog batay diplomaasiyad iyo dan ,halkii shacabka ka filayay in ay qayliyaan oo hadlaan. Mucaaradnimadu waa raaxo,dawladnimaduna waa masuuliyad. Sidaa darted waa in madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaruhuba ay taas ogaadaan oo si fiican iskugu duwaan dawlada,kuwa laamaha amniga ka tirsan ee u dhaqma sida jilaayaasha si ay  caan u noqdaan  waqti yarna nidaamka lagu soo duwo.

Isku xir istaraatijiyadeed,hab waxqabad oo  cad  iyo la socodka ciidamada ammaanka iyo hey’addaha kale, kaliya ma horseedi doonaan in aysan dhicin dhacdadii Qalbi dhagax, ee waxa ay sidoo kale sare u qaadi doontaa kalsoonida shacabku ku qabo dawlada.

Cashirka 3-aad: Maareeynta xasaradaha

Xasaradaha sida tan Qalbi dhagax oo kale waa in si dhaqso ah oo hagaagsan loo mareeyaa haddii kale waxa ay u faafeysaa sida cudurka oo kale. Markii arrintu faaftana dawladu waxa ay kusoo aruuree is difaacis kaliya. Arrinta Qalbi dhagax ayaa aad loo buunbuuniyay kaliya jawaabta oo liidatay am aanan jirin darted. Aamusnaanta Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha ayaana arrinta ka sii dartay.

Wax kasta oo dhaca sabab ayeey u dhacaan waxayna maraan habab kala duwan. Dawladdu waa in ay taa garataa oo si dhaqso iyo daacadnimo ah uga hadashaa. In aamusnaan lagu qanciyo shacabka iyo diblomaasiyiinta mar kasta waa ay guuldareysan doontaa.

Xil ka qaadistii taliyaashii nabadsugidda iyo booliiska ee weeraradii Naasa Hablood labo iyo Zoobe kaddib waxa deggay xaalada. Waxayse aheyd in mar hore xilka laga qaado taliyihii nabad sugida qaladadka uu sameeyay darteed si loo badbaadiyo sumcada dawladda.

Caqabadaha ay wajaheyso dawladda ee kala ah amni darro iyo federaaleynta dartood waa in dawladdaan ay sare u qaadaa xirfada Maareeynta xasaradaha oo noqday kuwa iska soo noqnoqda, Si aysan uga mashquulin arrimaha muhiimka ah.

XIGASHO: Ummaddamedia.com