Faallo: Qarixii Zoobe: Waxaan u baahanahay Jawaab!

289

Qaraxii xanuunka badnaa ee isbuucii hore ka dhacay Isgooyska mashquulka badnaa Zoobe ee magaalada Muqdisho,waxaa uu fajac ku reebay Caalamka. Xitaa aduun Qarsoodi ahaa ayaa tani ka xanaajisay. ‘Sidee ayay tani Ku dhici kartaa’? ayay  intooda badan isweydiiyeen, kuwo badan ayaa  midnimo  iyo ixtiraam u muujiyay dhibanayaasha weerarkaasi, Dad badan iyo dowlado kala duwan ayaa taageero u yaboohay. Hase ahaatee Soomaaliya ugama baahna beer-nugayl marka loo eego sida ay dowladooda uga baahan yihiin Jawaab.

Dhaqaallaha kali ah ee ugu badan ee bulshada waxaa lagu bixiyaa ammaanka. Dowlad walba  waxaa ay leedahay dhaqamadeeda iyagoo muhiimadda koowaad siya ammaanka kana hormariya wax walba. Ammaanka, Ammanka, Ammanka!– Ammanka Soomaaliya waxaa uu noqday ciyaar maskaxeed iyo madaddaalo iyadoo dowladda ahayd inay ka hortagto musiibadii Zoobe oo Kale. Ciidamada dowladda Soomaaliya waxaa ay ka howl-galan Bii’o ama dhul ay aad u adag tahay in laga howl-galo, iyadoo mushaarka askari walba uu yahay mid hooseeya kasii daran oo mararka qaarna laga daahiyo mushaarkooda. Si kastaba waa in lala xisaabtamaa Taliyaashooda oo ay ku jiraan Janaraal ku shaqadada leh iyo kuwa siyaasadda ciyaara iyadoo wax laga waydiinayo weerarkii Zoobe.

Dhacdadii Zoobe waxaa ay ahayd musiibo Mug cusub leh. Dhibaatadu wali waa ay socotaa maadaama ehelada dhibanayaashii Zoobe wali ay raadinayaan dadkii ay jeclaayeen kuwaasi oo wali la la’yahay. Weerarkan waa inuu noqdii kii ay hurdada kaga toosi lahaayeen dadka majaraha u haya dalka islamarkaana saraakiisha Ammaanka uu kala xisaabtama dhacdadaasi. Cambaarayn eber ah waqtigeeda wuu dhamaaday. Madaxwaynaha iyo Ra’iisul wasaraha oo xirta tuutaha kuna raadiya in sidaas caddow uu kula dagaalamo iyaduna waqti uma harin. Falcilintu waa inay ka bilaabataa in lala xisaabtamo hay’adaha amniga iyo hogaankooda. Tani waa halka fashilka uu yaalo.

Maxaa dhacay? Yaa ka dambeeyay? Sababtee ayaa ka dambaysay iyo sidee ayay wax u dhaceen  ayaa wax arrinta Muqdisho iyo hareeraheeda la isku siraysto. Su’aallahan ayaana ah kuwo u baahan jawaab deg deg ah.  Bulshada wax kalsooni iyo Iimaan ah kuma qabi doonaan go’aano soo baxay musiibo dabadeed, kuwaasi oo aan wax qiimo ah ku fadhin iyadoo la qubayo dhaqaallaha bulshada.

Waxaa lagu waramay oo saraakiil sar sare oo ka tirsana madaxtooyada ay xaqiijiyeen in madaxwaynaha uu rabay in baarlamaanka uu weydiisto in la siiyo awood dheeraad ah oo uu kula dagaalamo Al-Shabaab, laakiin waxaa la sheegay in lasoo diiday.

Tan waa sababta aan maan-galka ahayn ilaa inta dowladdan ay ka samayso tallaabo ay wax kaga baranayso qaladaadka hore uga dhacay, taasi oo keeni karta inay Ammanka ku adkeeyaan, dib u habayn Ku  sameeyaan  dadka howlaha amniga ku tartama badelkii ay sugi lahaayeen Ammaanka muwaadiniinta halis un abuuraya.

Liidashada mushaarka, magacaabidda ku salaysan Qabiilka, tirada badan ee askarta  waa caqabadaha furaha u ah ee haysta dowladda. Waa in ay dareenkeeda oo idil isugu gaysaa dowladda sidii ay caqabadahaasi uga talaabsan lahayd, waa haddii ay iyadu rabtu inay gudbiso qorshaheeda koowaad ee Ammaanka iyo hanashada aaminadda gobalka.

Taageerada Caalamka waa mid muuqata soo dhowayna mudan, hase ahaatee waxaa ay rumoobaysaa marka Soomaaliya ka shaqaynta amnigeeda ay u qaadato si dhab ah markaas oo Caalamkuna si lamid ah Soomaalida dhab ay ka noqon doonto ka shaqaynta Ammaanka dalka. Illaa inta Soomaalidu ay dhab u qaadanayso sugida iyo ka shaqeeynta amnigeeda iyo la dagaalanka musuqa, aduunka tamar badan kuma bixin doono Soomaaliya.

XIGASHO: Ummaddamedia.com