Faallo: Raysal wasaare Xasan Cali khayre  Hawsha ug weyn waa inuu keeno xukumad wada shaqeyn karto

343

Raysalwasaaraha Jamhuuuriyadda Federaaliga ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta hortegey Baarlamaanka si ay u siyaan codka kalsoonida.

Kalfadhigga kowaad ee Baarlamaanka waxaa furey madaxweyne Maxamed Cabdullaahi oo khudbad ka jeediyey xildhibaanadana ka codsadey in ay Raysawasaaraha siiyaan codka kalsoonida si loo dhaariyo xukuumaddana u soo dhiso.  Markiiba waxa uu Raysal wasaare xasan cali khayre helay codka  kalsoonida.

Waqti dheex ayaynen  xukumadi shaqayn  Waxaa laga suga yaa inuu si taxader leh u qiimeeyo awood Qayb siga beelaha ee Golaha wasiirada  inaanuu ku dagdegin   magacaabida Golaha Wasiirada. Marka
Hore aruuriyo fikirka
Sida aan  wax ku Falanqeynayo waxaan shaki weyn kaqabaa in  Wasiirada waqtigooda dhamaaday sidoo kale kamid ahaa  Taageero weyn ka haysta Qabiiladooda lacagbaden haysta  inay isku dayaan  in ay kasoo dhax muuqdaan Xukuumada Cusub.

Hadey taasi dhacdo  waa mushkilad weyn oo soofood saartey xukumada cusub ee uu hogaamiya Raysal wasaare xasan cali khayre

Waxaan aamin sanahay  si wixii shakiya looga baxo  waxaan u Rajeynayaa  Ra’isul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya xubnaha uu kusoo darayo golihiisa Wasiirada uu kusoo xusho kartida iyo aqoonta ay leeyihiin uuna tixgalin siin qabyaalad iyo nin jacleysi.

Waa muhiim in markasta la ilaaliyo  xeerka dhaqanka siyaasaseed ee awood Qeysiga 4.5
Waxaan leeyahay  ilahay ha ufudeeyo hawsha hortaal

Falanqeeyaa ka faalloda siyaasadda Soomaaliya

Maxamed Caalim

caalim68@hotmail.com