Dalka Soomaaliya wuxuu dowlad la,aan noqday horraantii 1991dii wixii xiligaa ka danbeeyey
Waxaa adkaata in la dhiso dowlad ka wada dhaxaysa oo la mid ah kuwa ay leeyhiin shacab yada kale ee aduunka
Wadamada uu dagaalka sokeeye ka dhaco way badan yihiin waxaase u badan kuwa ku yaala Qaaradda Afrikaq.qaarkood waxay isku dilayeen siyaasad, kuwana Diin iyo dhaqan, kuwana Qabiil. Dhamman waxaa la oran karaa wuxuu ahaa dagaal sokeeye oo dhax marayey dad isku wadan degganaa.
Waa wada ognahay in dagaal sokeeye soomaaliya ka dhacay waqtigan hada la joogo markaad qiimayso dhaqanka siyaasaseed ee bulshada soomaalida waxaa ugu daran kooxda la magac baxday odey dhaqameed oo jah-wareer ku haya shacabka soomaaliyeed.
Odey dhaqameedow muxuu yahay ?
Aduunka aan ku nool nahay dadka waxaa ka dhaxeeya Heshiis bulsho oo loo yaqaan Dastuurka Qoran markaa dastuurka la qoro bulshadaa u codeyso markaa wixii ka danbeeya wuxuu noqdaa wax dad ku heshiiyeey
Waxaana loo bixiyaa magaca Dastuurka Qoran.
sidaa wada ogtihiin shacabka somaliyeed
Waxaa ku dhacay nasiib daro weyn. Waxaa kala Gumaystay dawlado kala gedisan oo dhibaato badan geliyey markuu kala qeybsadey.
Arinkaa wuxuu keenay ilaa maanta inay helin
Dastuur Qoran oo ka dhaxeeya soomaaliya oo dhan Marka laga reebo mid kumeel gaar ah oo Ku dhaqankiisa uu adkaaday kaasi oo u baahan in laga saaro kumeel gaarnimada.
Waqtigii Gumaysiga Oday dhaqameedka Soomaaliyeed waxay door muhiima ku lahaayeen taariikhda dalka sida arimah nabadgelyada ,bulshada iyo siyaasadda looga soo hor jeedo Gumaysiga.
Markii shacabka soomaaliyeed dawladoodii ka bur burtay oo dagaal sokeeye dhex maray
Dadkii soomaaliyeed waxaa jah-wareer galiyey Oday Dhaqameed jahila oo tuug ah oo hogaankii bulshada ka dhigay wax markasta u hiiliya dadka dhaqanka xun ee dhibaateeya bulshada.
Markaan Qalinka u qaatay Falanqeynta waxaan ogaadey in dhibka ugu badan ee shacabka soomaaliyeed ka hortaagan inay Dawlada wanaagsen dhistaan waa odey dhaqameedka beenta ah ee bulshadii soomaaliyeed madaxa isku galiyey arinkan waxay adag tahay in la saxo inta dadka soomaaliyeed difaacayaan Fikirka Qabyaalada ku dhisan.
Dhibaatada Soomaali ku habsatay,
cidda ugu horreysa ee eedda iska leh waa kooxda aan u bixiyey odeydhaqameedka waxay eegaayaan danta reerkiisa, oo aan isku hawlayn danta guud.
Haddii la dhaho aynnu sidaa samaynno waxa ugu horreeya ee maskaxdiisa ku soo dhacaysaa waa reerkaaga dani ma ugu jirtaa waxay barteen kalmada ah waxaa Taageerada kala noqonay Dawlada. Iyagoo aan Qarsaney Fadeexadaa Fidnada ah.
Iskana ilow in soomaaliya dawlad yeelato. Inta odaydhaqameed beenlow ah uu sharci dasruur u yahay bulshada soomaaliyeed.
Su’aasha aan akhristayaasha aan waydiinayo waa wadanka soomaaliya Dastuur ma waxaa u ah odeydhaqameed?
Qore. Maxamed Caalim, oo ah Falanqeeya siyaasadda Soomaaliya caalim68@hotmail.com