FAALLO: Xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo bog cusub u furmay

317

wadahadalo-640x427

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo oo ay ka mid yihiin Wasiirro iyo Xildhibaanno ayaa booqasho Qaran oo qaadatay 24 saacadood ku tegey dalka Ethiopia, waxaana si diirran ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Addis Ababa Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desaleng oo ay salaanta calanka wadajir uga qaateen cutubyo ka tirsan ciidanka salaan-sharafta Ethiopia, iyadoo ay soo dhaweynta ka qeyb qaateen Wasiirro, Danjirayaasha shisheeye ee fadhigoodu yahay Addis Ababa iyo Midowga Yurub, fannaaniin iyo Dadweyne aad u fara badnaa, waxaana laga soo bilaabo Garoonka Diyaaradaha ilaa iyo Waddooyinka waaweyn ee Magaaladaasi la suray labada Calan ee Soomaaliya iyo Ethiopia.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Arrimaha Dibadda, Wasiirka Gaashaandhigga iyo Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada, ayaa soo dhaweynta kadib waxay gudagaleen wadahada ay la yeelanayeen Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia, Wasiirro iyo mas’uuliyiin kale, waxayna marka hore ka mahadceliyeen soo dhoweynta iyo Ciidammada Ethiopia ee ka midka ah Ciidammada AMISOM, wafdiga Soomaaliya wuxuu sheegay in ay Dowladda Federaalka ahi soo dhoweyneyso horumarinta gobol kasta oo Soomaaliyeed, wuxuuse xusay wafdigu in loo baahan yahay in aan horumarintaasi aanay noqon mid wiiqi karta Madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalka.

Labada Hoggaamiye waxaa ay isla qireen in labada dal ee deriska ah, Soomaaliya iyo Ethiopia ay wax badan wadaagaan danahooda amni iyo kuwa horumarna ay isa saameyn weyn isku leeyihiin, taasi ayaana khasab ka dhigeysa ayay yiraahdeen iskaashi daacad ah oo labada Dowladood dhex mara.

Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desaleng isaga wadahadlkaasi ka hadlay wuxuuna hoosta ka xariiqay in inabana aan shaki gelin wuxuu qiray in Ethiopia ay aqoonsan tahay marnahabana aanay tuhun gelineyn Madaxbannaanida iyo wadajirka dalka Soomaaliya, waxaa kaloo uu sheegay in Dowladda Ethiopia ay arrimaha siyaasadda dibadda u aragto in uu mas’uuliyaddeeda koowaad leeyahay Madaxweynuhu, sidoo kale Difaaca, Amniga, Socdaalka iyo Dhaqaalahaba, sidaasi darteed waxay Ethiopia kala xaajoon doontaa oo ay u soo mari doontaa ayuu yiri Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Waxaa kaloo xusid mudan in Raiisul-wasaaraha Ethiopia uu bixiyay ballanqaadyo ay ka mid ahaayeen deeq waxabarasho oo Ethiopia ay u fidineyso 500 oo arday oo Soomaali ah, iyagoo ah heer Waxbarasho Jaamacadeed, waxayna isugu jirtaa heerarka kala duwan ee Jaamacadeed oo ay ka mid tahay ilaa heer PhD.

Haddaba socdaalka Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku tegey dalka Ethiopia wuxuu dhabbe u falay wada shaqeyn iyo iskaashi nooc hor leh oo wanaagsan oo dhex mara Soomaaliya iyo Ethiopia, kaasi oo ku qotoma is qaddarin iyo wada faa’iideysi siman, si taasi looga dhabeeyo looguna beddelo ficil, waxay labada hoggaamiye go’aamiyeen in la sameeyo guddi laba-geesood ah oo ay horseed ka yihiin labada Wasaaradood ee Arrimaha Dibadda oo joogto u kulma, isla markaana meel mariya qodobbada la isla soo qaaday oo dhammaantood laga gaaray isfaham buuxa.

Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia ayaa Madaxweynaha Soomaaliya ku sagootiyay gegida dayaaradaha ee Addis Ababa, wuxuu la soo laabtay rajo iyo yididdiilo uu ka qabo xiriirka labada dal ee mustaqbalka oo loo arko in uu cagta saaray waddo cusub oo lagu tilmaami karo billow wanaagsan.

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo intii uu joogay Ethiopia waxa uu kulan kula qaatay Xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa Moussa Faki Mahamat oo ah Madaxa Midowga Afrika, waxayna labada Mas’uul ka wadahadleen howlgalka AMISOM iyo koontada Soomaalida ee shaqooyinka Midowga Afrika, iyadoo sida la wada ogsoonb yahay ay Soomaaliya ka mid tahay asaasayaasha Ururka Midnimada Afrika OAU oo ka dib u xuubsiibtay ama loo bixiyay Midowga Afrika AU

Xigasho SONNA

Qallinka: Jeylaani Juujuule