FAALLO: Yaa U Maqan Dhaawacyada Culus ee Yaalla Isbitaallada Muqdisho?

290

Qaraxii ismiidaaminta ahaa iyo weerarkii xigay ee ka dhacay Wasaaradda Tacliinta Sare ee Soomaaliya waxaa ku dhintay dad 15 qof gaaraya, halka kuwa kale oo intaa ka badanna ay ku dhaawacmeen. Dadkaas waxay isu jireen kuwa qaba dhaawacyo fudud iyo qaar aan dhaawacyadooda dalka waxba looga qaban karin.

Weerarka oo xilligii uu dhacay ay kasoo wareegtay 10 cisho ayaa dadkii ay dhaawacyada culus ka soo gaareen aysan weli heli daryeel caafimaad. Sidoo kale, wax xil ah oo ay dowladda Soomaaliya iska saartay ma jirto maadaama ay bukaannadan u baahan yihiin adeeg caafimaad oo dibadda ah.

Xog uu helay Wargeyska Xaqiiqa Times ayaa caddeynaya in ay jiraan 6 qof oo qaba dhaawacyo dhanka lafaha ah oo yaalla isbitaalka Deva ee degmada Hodan. Warar aan ka helnay dad xog-ogaal ah oo la socda xaaladda bukaannadan ayaa noo sheegay in maamulka isbitaalka ay caddeeyeen in aysan jirin dhakhaatiir takhasus u leh lafaha, sidaas darteedna ay soo kireyn doonaan dhakhaatiir u dhashay dalka Kenya oo la filayo in ay dalka soo gaaraan dabayaaqada isbuucan, inkastoo ay marar badan dib u dhaceen.

Madaxweynaha, Raysul wasaraha iyo Wasiirrada Caafimaadka, Arrimaha Dibadda iyo Arrimaha Gudaha ayaa ku mashquulsanaa tan iyo intii ay mashaqadan dhacday safarro dibadda iyo gudaha dalka ah, halka bukaanno la dacdarreysan daryeel-xumo caafimaad ay yeellaan isbitaallada magaalada Muqdisho.

Xogta waxa ay intaa ku dareysaa in bukaannadan qaba dhaawaca lafaha ah laga dayrinayo xaaladdooda, maadaama ay dhici karto in dhaawacyadooda oo aan helin qalliinkii loo baahnaa ay caabuqaan ama ay qurmaan.

Waxaa kale oo jira bukaanno kuwan ka horreeyay oo 40 gaaraya, kuwaas oo ay dowladda Qatar ballan-qaadday in ay dalkeeda ku soo dabiibto, balse kaalintii dowladda Soomaaliya ee hawshan ay maqan tahay.

Dowladda Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa in ay si degdeg ah wax uga qabato xaaladda bukaannadan oo aad u liidata, mas’uuliyiintuna ay fuliyaan dhaartii ay u dhaarteen danaha dalka, dadka iyo diinta, iskana daayaan safarrada macno-darrada ah ee kharajka faraha badan lagu bixinayo.

Waxaa kale oo xusid mudan in ay jiraan 12 qof oo hadda kahor loo qaaday dalka Imaaraadka Carabta, 21 qof oo la geeyay dalka Sucuudiga oo aan ilaa iyo hadda laga heynin warbixin rasmi ah oo muujineysa xaaladahooda caafimaad iyo waxa ay ku sugan yihiin.

Dhaawac

Wasiirka Amniga Gudaha, Wasiirka Waxbarashada iyo Wasiirka Macdanta iyo Batroolka ayaa isbitaalka Deva ku booqday bukaannadan laba maalin kaddib dhaawacyadii gaaray, mana jirin taageero dhaqaale iyo mid wax ka qabasho oo ay meesha la tageen marka laga reebo in ay isku sawiraan dadka jiifa isbitaalka. Xaaladdu waa qawda maqashii waxna ha u qaban!

Dhinaca kale, dhaawacyadii hore oo yaalla isbitaallada magaalada Muqdisho ayaa Talaadadii (21-kii Abriil) qarax loo adeegsaday gaari lagu soo xiray walxo qarxa oo ka dhacay maqaayad ay dad badan ka qadeynayeen oo u dhow hoteel Central ee Muqdisho wuxuu sababay dhimasho iyo dhaawac.

Dadka ku dhaawacmay qaraxa oo tiradooda ay gaareyso ilaa 8 qof ayaa la dhigay isbitaallada. Su’aasha isweydiinta mudan waxay tahay ma waxay ku biiri doonaan dadkii dhibaatada caafimaad iyo daryeel la’aanta ay ku heysatay xarumaha caafimaadka mise wax baa loo qaban doonaa? Kolley rajadu ma badna.