Faallo:Shacabka Soomaaliyeed waxba kama duwana Shacabka Kurdistan iyo Falastiin

412

peeeenSoomaalida tan iyo muddadii ay dawladdii dhexe ee Soomaaliya burburtay waxaa ka dhex taagnaa dagaallo sokeeye, dagaalkaa sokeeye waxaa wadey dawlado diidan inay soomaalidu xalgaarto.

Dagaaladaa kala duwan oo dhiigga badan ku daatey waxaa kaloo jira boob iyo is necayb uu dhexmaray walaalaha soomaaliyeed wali wax xal ah  helin.

Markey Qaranimadu burburtay oo cidwaliba talisay ama waxba la toosin kari waayay dadka soomaaliyeed iyo madaxdoodu waxay is waydiiyeen xagee dawlad wanaagsan laga bilaabaa, markaa soo inaan is waydiino ma aha shacab la gumaysto dawlad mayeelan karaan?  Adduunka aan ku nool nahay laba shacab ayaa la gumaystaa waxaa gumaysta cadaw muuqda ayaa dhulkoodii xoog ku qaatey labadaa shacab waa Palestine iyo Kurdistan waad fahmi kartaa dhibaatada haysata labadaa shacab anaga dadkeenii way ka cararayaan wadanka waxay u cararayaan meel ay ku badbaadaan sow min la iswaydiiyo maaha maxaa keenay in wadanka laga cararo oo qof soomaaliya qofkale oo soomaaaliya ka cararo.

Arinkaa waa dhaqanka gumaysiga cusub

Dad badan oo soomaaliyeeed si fudud uma dareemi karaan gumaysiga cusub ee wixii 1990 kii ka danbeeyey ka curtay Caalamka, kaas oo ah  dhinac kasta in laguu gumaysto.

Gumaysiga cusub maaha wax in la cadeeyo ay adag tahay ,waa uun dawlad ama koox kaa xoog iyo xoolo badan kadibna jaanis iyo fursan u helay in uu taladiisa iyo tamartiisa kugu maamulo kuuna adeegsada qof ama koox soomaaliyeed oo wadanka ku la leh .

Waxaad maqashaa badaada sun ayaa lagu daadiyey xeebaha dalka waxaad maqashaa koox burcad badeed ayaa badaadda ka dilaacdey waxaa laguu soo diraa shirkado gacanta ku haya habkaaga isgarsiineed waxaa laguu sameeyaa goobo wax barasho oo caruurta waxa labara ayadoo aadan aqoon intaas oo dhan waa gumaysiga cusub ee diidan inaan doowlad ahaano.

Dhibka ay leedahay dowlad la,aanta. waxaa ugu wayn  dalkaa   oo aaden aqoon waxa ku gumaysta oo kuudiidan inaad si  nabadgalyo ah ugu noolaato wadan kaaga aad u dhalatey

inaad yeelato  xuquuq inaad soomaali tahay  markaa akhristow  ma aamin santahay inala gumaysto oo soomaalidu  iyadu  isgumaysato

waxaa cadeyn kuu ah ma maqashaa Dadka Barakacayaasha sow dad soomaaliyeed maaha  maxaa dhibkaa keenay  In ka badan 360,000 kun oo dad ah oo ay barakiciyeen colaad iyo abaaro ayaa ku nool hoy ku meel gaadh ah oo isku raran ah oo ku yaal Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho dadkaa waxaa loola dhaqmaa si inay ahay soomaali oo kale  wadan kooda dhexdiisa ayey Qaxooti ku yihiin

arinka sow marqaati uma ah in   shacabka soomaaliyeed ku jiraan gumaysi qarsoon lamid kar reer Palastain iyo kurdistan .

Waxaa Falaqeybtan Diyaariyey
Maxamed caalim, oo ah aqoon-yahan ka faalooda siyaasadda Soomaaliya oo ku sugan Finland
caalim68@hotmail.com