Faallo:Xil ka qaadis kali ah ma hagaajin doonto amniga

588

Muqdisho , Soomaaliya – Axaddii aynu soo dhaafnay waxaa ay ahayd maalin kale oo  u xanuun badan u ah dadka Soomaaliyeed  taasi oo ka dambaysay ka dib weerarkii lagu qaaday hoteelka Naasa-Hablood 2 ee magaalada Muqdisho kaasi oo dhacay labo Isbuuc kaddib weerarkii dhimashada badan dhaliyay ee Isgooyska Zoobe.

Dadka Soomaaliyeed ayaa dhacdadii Zoobe ka dib wadaagayay hadallo ay ka mid yihiin ‘’Tan oo kale maya mar kale’’ hase ahaatee weerarka Naasa-Hablood eraygaasi waxaa uu isku badalay ‘’Haddana ma mar kalaa’’ iyo erayo la mid ah.

Weerarka Naasa-Hablood labo waxaa uu ahaa mid aad uga yar kii ka dhacay isgooyska Zoobe hase ahaatee natiijada labada weeraraba waxaa ay ahaayeen kuwo musiibo ah oo qasaaro badan u gaystay dadka Soomaaliyeed.

Xaaladda Ammaanka ee dalka Soomaaliya waa midda kaliya ee ugu wayn ee ay ka jiraan caqabado taagan, taa oo ay jirto muhiimadda waxaa ay tahay in la helo dhiiro galin gaar ahaan Ciidanka hubka sita ee waddooyinka u taagan inay badbaadiyaan dadkooda maalin walba.

Dadaalka xoogan ee looga jawaabayo weeraradaasi waa mid ammaan mudan.   Hase yeeshee waxaa sidoo kale muhiim ah in la is weydiiyo waa maxay sababta casharo looga baran waayay weerarada is-daba-joogga ah iyo ammniga fashilmay.

Kulankii deg deg ah ahaa ee Golaha Wasiirada ay ku yeesheen magaalada Muqdisho oo uu shir gudoominayay Ra’iisul wasaare Khayre, ayaa xukuumadda Soomaaliya waxa ay xilka ka xayuubisay Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sir-doonka Qaranka Cabdullaahi Maxamed Sanbalooshe iyo Taliyihii guud ee Ciidanka booliska ee Soomaaliya Jeneraal.Cabdixakiin Daahir Saaciid. Xilka qaadista Sambalooshe ayaa timid maalmo un ka dib markii maqaal uu ku qoray Wargeyska New York Times taasi oo uu ku sheegay in sababta Shacabka ammaanka ay u baahan yihiin loogu gudbin la’yahay ay tahay  sababo la xiriirada dhaqaallaha oo yar, daciifnimada dhanka Farsamada,  iyo la’aan helitaanka Wadaagidda xogaha sirdoonka ee baah-wadaagta Caalamiga ah.Waxaa uu Beesha Caalamka uu ka dalbaday inay si dhab ah hay’addiisa ay uga caawiyaan hawlaha dhanka sirdoonkaee aas-aasiga ah iyo sidoo kale inay gacan ka gaystaan maqnaanshaha wax-yaabo badan oo amniga muhiim ah.

Taliyaha Booliiska Gen.Saciid,ayaa dhankiisa mar badan ka dhawaajiyay hadalladaasi oo kale, inkastoo ay jiraan caqabadaha dhaqaallaha ka jira, haddana  Hay’adaha ammaanka Soomaaliya waxaa ay isticmaalaan dhaqaallaha ugu badan ee Miisaaniyadda yar ee Qaranka.

iyadoo si dhab ah ay banaanka u soo dhigeen weeradada Zoobe iyo Naasa-Hablood labo hogaan liidashada NISA iyo Booliiska, waxaa muhiim ah in la eego caqabadaha wayn ee guud ahaan ka jira ammaanka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho

Arrinta soo noqnoqtay ayaa ah la xisaabtan la’aanta iyo xakamaynta awoodda ee madaxda hay’adaha Amaanka dalka, taasi oo u eg mid si dhab ah u dhici doonta ilaa iyo inta laga helayo siyaasad ka madax-bannaan Qabiil.waxaa jira Jenaraalo badan oo xitaa tiradooda rasmiga ah aan la haynin kuwaasi oo qayb ka ah Ciidanka Xoogga dalka.Dhammaan dal walba oo saaxib la ah Soomaaliya waxaa uu ka taageeraa dhinaca amniga waliba siyaabo kala duwan.

Wali la iskuma dhafin ciidamada Xoogga, lamina xaqiijin awoodda ciidanka Booliiska dib u habayna sidoo kale laguma samaynin ciidamada Hay’adda NISA wali waa riyo masaafadeedu ay fog-tahay inkastoo uu jiro qorshe guud oo ah dib u dhiska qaab dhismeedka ciidamada xoogga, waxaa arrintaasi isku raacay hogaanka dalka. Somaaliya waxaa ku sugan in ka badan 20,000 (Labaatan kun) oo  askari oo ka socda howlgalka Nadad ilaalinta Midowga Afrika ee (AMISOM) kuwaasi oo howshooda ay tahay in ciidamada Soomaalida ay ka caawiyaan sugidda amaaka dalka.  Waxaa cad in caqabadaha ka jira dhanka ammaanka Soomaaliya in kaliya aysan ahayn yaraanta ilaha dhaqaallaha, balse siyaasadna ay qayb ka tahay.

Khudbadiisii ugu dambaysay madaxwayanaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa uu su’aal ka keenay Wadaninimada iyo niyada  guud ee Ciidamada ammaanka Soomaaliya.

Tani waa tallaabo muhiim ah sababta oo ah Taliyayaasha xiga ee NISA iyo booliiska waxaa ay awoodi doonaan in ay u hadlaan si wanaagsan, ayna si dhab ah u qeexaan dhibaatadan sababta looga gudbi la’yahay.Si kastaba waa inay ahaadaan kuwo u qalma howsha loo dhiibay.Waa inay noqdaan kuwo ka madax-bannaan siyaasadda si ay wax dhab ah uga qabtaan ammaanka dalka.Waa inay gartaan inaysan iyagu ahayn wasiirka arrimaha dibadda ay joojiyaan sii socodka iyo soo socodka isbuuc walba leh oo ay ku socdaalayaan duulimaadyada Caalamiga ah.

Waxaa muhiim ah, inay gartaan inaan la aqbali Karin fashil kale.Tani  waa fariin ku aadan in madaxwaynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ay sii xoojinayaan xiriirka  ay la leeyihiin bulshada.

Badbaadihii ugu nasiibka badnaa ee ka badbaaday weerarkii Naasa Hablood Labo waxaa uu ahaa Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Abuukar Islow  Ducaalle. Huteelka Naasa Hablood Labo ee la weeraray waxaa iska lahaa wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow,  arrinti waxa ay waji gabax ku noqtay isla  wasiir Ducaale, waliba iyada oo ay dadweynaha su’aallo badan uga imanayaan oo ah sida uu qatarta amni uga difaaci karo shacabka.

Si kastaba ha ahaate,hadda waa uu soo badbaaday, wasiirka Amniga waa inuu hogaanka qabtaa  howlaha amniga dib u dhiskeeda iyo wax ka bedelida amni darida dalka.

Ammaanku waa muhiimada kowaad ee siyaasadda Qaranka  aasi oo madaxwaynaha uu u xilsaarayo Ra’iisul wasaaraha. iyadoo la siinayo la dhaqan gaar ah,waa in loo xaqiijiyaa  waliba si deg deg ah. Qaranka Soomaaliyeed dhib ku filan wuu ku  dhacay.

XIGASHO: Ummaddamedia.com