Faalo: Ficilka Beesha Caalamka Waa Inuu ka gudbaa hadal iyo tacsi una gudbaa wax-qabad dhab ah

310

Weerarkii ismiidaaminta ahaa ee 14 ka Octoober 2017 qarax qasaare ba’an lagula beegsaday shacabka Soomaaliyeed oo ku sugnaa wadada Zoope ayaa waxa uu banaanka soo dhigay qaar ka mid ah meelaha dowladda Soomaaliya ay ka liidato sida qaybta caafimaadka, waxaana uu keenay fursad baah-wadaagta caalamiga ah ay Soomaaliya ugu muujin karaan Midnimo.

Durba weerarkii maalintii Sabtida, baah-wadaagta caalamka waxaa ay bilaabeen inay cambaareeyaan falka, ayagoo adeegsanayay baraha bulshada iyo qalabka warbaahinta. Dowladda Turkiga ayaa si deg deg ah waxaa ay usoo dirtay diyaarado lagu daad gureeyay dhaawacyada, ayadoo Aqalka Cad ee Mareykanka uu arintan ka soo saaray warsaxaafadeed. Dhacdada ka dib inta badan saaxibada caalamkaayaa la soo xiriiray dowladda Soomaaliya, ayagoo weerarka cambaareeyay sheegayna inay taageeri doonaan Dowladda Soomaaliya sidoo kalena muujiyay midnimo. Maalin ka dib musiibadii Muqdisho oo ay ku naf-waayeen in ka badan 300 oo qof, taasi oo Beejajka hore ee warbaahinta caalamiga ah  lagu soo qoray oo ay ka mid yihiin BBC Guardian Newspaper, Washington Post, New York Times, USA Today iyo waliba Wall Street Journal.

Fajaca, Naxdinta iyo Beer-nugaylka caalamka waa mid iska cad, hase ahaatee taasi kaliya kuma filnaan doonto inay Soomaaliya ka caawiso dhanka Geedi socodka deganaanshaha iyo nabad ku soo dabaalidda. Tageeraddu waa inay ahataa mid dhaafsiinan afka iyo bayaano la soo saaro. Waa inay isku badashaa ficil iyo is-garab taag dhab ah. 

Waajibaadka horumarka Soomaaliya ayaa ah midda ugu wayn, waxayna saaran tahay madaxwaynaha la soo doortay ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo, kaas oo ka muuqday jiidda hore ee goobta qaraxa, isagoo dhiigiisa u shubay dhibanayaasha kana mid noqday dadka ku guda jiray howlaha naf-badbaadinta. Madaxwaynaha iyo xubnaha muhiimka ah ee Dowladda waxaa ka muuqday murugo xilliga ay warbaahinta kula hadlayeen goobta qaraxa uu ka dhacay, hase ahaatee waxaa sidoo Kale ka muuqday in Dowladda aysan kaligeed xamilli karin culeyska kooxda AlShabaab iyo argagixisadda Caalamiga ah oo u baahan guluf iyo isbaaheysi caalami ah.

Dadka Soomaaliyeed iyo Dowladda way ku farxeen taageerada ay ka heleen caalamka kuwaasi oo jawaab sax ah ka bixiyay arintan, ayagoo qaarkood dhacdadan ka hor xitaa Soomaaliya ka taageerayay dhinaca horumarka iyo Ammaanka. Si kastaba ha ahatee, culeyska baahiyaha ka jira caasimadda ayaa u badan dhinaca daawooyinka oo xasuqii qaraxa kadib ay cadaatay in nidaamka daryeelka caafimaad ee dalka ka jira aanu wali u diyaarsaneyn xamiilitaanka culeys nucaan oo kale ah, tani waxay horseeday in inta badan baah-wadaagta  kale ee caalamka ay lumiyaan kalsonidii iyo sumcadii ay ku lahayeen Soomaaliya gudaheeda.

Soomaaliya waa mid nugul oo taag daran, hadii Dowladda haatan ay muhiimadda koowaad ay siiso Ammaanka, Hormarka Dhaqaalaha iyo maamul wanaagga aan xiligeeda ku hirgalinin. Dowladda Soomaaliya waa inay xoogga saartaa sidii ay usii wadi lahayd dhaqan galinta hamigeeda waliba sida ugu dhaqsiyaha badan. Maamul samaynta siyaasadeed ee waqtigan jirta waa mid gaabis ah, qaban-qaabadeedana ay liidato islamarkaana ay ku xoog badan tahay danooyinka gaarka ah. Bulshada ayaa kalsooni wayn ku qaba maamulka cusub, waxaana waajib ah in aan marnaba la ogolaanin in meesha hadda la joogo gadaal looga noqdo.

Dowladda Soomaaliya ayaa xiriir is daba-joog ah iyo horumar ka samaysay sidii Soomaaliya ay ugu jahayn lahayd dhinaca deganaanshaha iyo Geedi socodka horumarka dalka. Fariintaan ayaa ah mid lawada arkay cid kastana ay gaartay, ayadoo dhinaca kale ay jiraan caqabado taagan taasi oo ah sidii arintan hadalka ku eg ficil loogu xijin lahaa taas ayaa bulshada faa’ido u ah islamarkaana badali karta waxa Adduunka uu Soomaaliya ka aaminsan yahay. Dowladda ayaa haysa dhawaaqa fikradaha ku saabsan maamul wanaagga, hormarka Dhaqaalaha iyo Ammaanka. Waxaa ay sidoo Kale leedahay siyaasad arintaa ku wajahan inkastoo aysan jirin farsamo iyo khibrad iyo Maaliyad looga dhabayn karo hourmarka ay hiigsanayso.

Baah-wadaagta caalamka waxa ay sameeyeen balan qaad laakiin waa mid aad u yar, taageerada soo gaaraysa dadka Soomaaliyeed. Si ay micno u samayso taageeradooda, dhammaan baah-wadaagta caalamkja waxaa la gudboon inay dalka yimaadaan, maalgashi toos ah ay Soomaaliya ka samaystaan ayagoo gacan ka gaysnaya dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha, Dugsiyada iyo xooginta maamulka Hay’adaha dowladda iyo tageero dhaafsiisan yabooh balse gaadhsiisan ficil. Dalka ugama baahna beesha caalamka inay taageeraan Marka ay dhacaan musiibooyinka la mid ka ah tii sabtidii dhacday oo kale balse waa in tageeradu ahaataa mid joogta ah.

Dhinaca dowladda, waa in ayaduna sii wadaa in baah-wadaagta ay ku cadaadiso in taageeradooda ay noqoto mid saamayn leh iyo inay Si toos ah dalka u yimaadan. “Waxan u baqaynaa ammaankeena” iyo marmarsiiyadda kale waa inay joojiyaan, waa in laga fogaado in tan oo Kale ay soo noqoto. Dowladda waa inay eegtaa sidii loo samayn lahaa sharciga canshuur qaadista islamarkaana ay dhiiro galiso qurba-joogta iyo maalgaliyaasha dalka si kaabayaasha dhaqaalaha ee  halbowlaha u ah dhaqaalaha dalka, sida Kalluumaysiga, beeraha iyo ganacsiga u bulaalo. 

Weerarkii bambaano ee sababtidii ka dhacay magaalada Muqdisho waxaa uu noqday cadaymo muujinaya in Soomaaliya iyo dadkeedaba ay saaxiibo ku dhex leeyihiin beesha caalamka. Hase ahaatee orodka xilliga musiibooyinka waxaa ka fiican saaxibka maalgashi ku samaystay Soomaaliya xilliga deganaanshiyaha, waliba si daacadi ku dheehantahay iyadoo Soomaaliya lagala shaqaynayo ammaanka, yagleelidda dhaqaale xoogan iyo dhaqan galinta hormarada kordha.

Tani waa mid ay faa’iido ugu jirto dhammaan Soomaaliya iyo baah-wadaagta caalamka, sababtoo ah, Soomaaliya oo guuleysata waxay ka dhigan tahay caalamka oo guuleystay.

Xigasho: Ummaddamedia.com