Falanqayn: R/wasaaraha Cusub & Caqabadaha adag ee Awood qeybsiga Beelaha Gollaha wasiirada

407

 

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmajo ayaa magacaabay Ra’isulwasaaraha cusub oo uu ku soo Doortey inuu la shaqeyn karo.
Madaxweynaha ayaa u doortay Xasan Cali Kheyre xilka Ra’isulwasaare, waxaana booskaas markii hore ku dagaalamayey beelaha kala duwan ee Hawiye oo ay ugu horeeyeen Habargidir iyo Abgaal. ee Ra’isuwaaraha cusub ayaa wuxuu ka yimid Beesha hawiye Qabiilka Murusade.
Madaxweyne Farmaajo, ayaa qaatay go’aan geesinimo leh uu kusoo xushay shakhsiga uu ku aamini karo xilka Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya, waxaana xilkaasi nasiib u yeeshay in loo magacaabo Xasan Cali Kheyre oo ah nin dhalinyaro ah

Dhibaatada ugu weyn ee Raysal wasaarahan la kulmi karo waa Haday Ansixiyaan Gulaha Baarlamaanku Waa sidee xukumada uu soo dhisidoono.

Waxaa ii muuqata in khalad weyn ka imaan doonto sida beelaha u heli jireen miisaanka awood Qayb siga kuraasta Golaha wasiirasa arinkaa waa dhibaatada ugu wayn ee uu la kumi doono Raysal wasaare Xasan Cali c Khayre.

Ra’isul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa ah nin dhalinyaro ah oo siyaasadda horey ugu dhax jirin, waxa uuna sanado badan madax ka ahaa Hay’ada NRC , waxa uu sidoo kale kamid ahaa Madaxda Shirkada Soma oil and Gas   , waana nin khibrad iyo aqoon badan leh.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu Golaha Baarlamaanka Federaalka, ka dalbaday in ay meel-mariyaan Raisul wasaare Kheyre,  si uu u soo dhiso Xukuumad Tayo leh oo bilowda waxa ay shacabku ka sugayaan.
Dhinaca kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa Ra’isul Wasaaraha cusub u jeediyay in muddo 15 cisho gudahood uu kusoo dhiso xukuumaddiisa

Qore. Maxamed Caalim