Falanqaynta Siyaasada: Guul darada Gaas iyo Saamaynta Puntla

665

Faroole GaasR/wasaarihi hore ee DKMG ahayd ee Soomaaliya Cabdiwali Maxamed Cali Gaas waxa uu soo qabtay howl wanaagsan mudadi uu xilka hayay waxa uu dhaliyay in Muqdisho doorasho ka dhacdo isagga iyo gollaha xukuumadiisu waxay dardar galiyeen in la gaaro halkaan la joogo xiligaan .Cabdiwali Gaas waxa uu u tartamay doorashada madaxwaynaha Soomaaliya waxa uuna helay codad Gaaraaya 30- cod wareegi koowaad halka uu ka tanaasulay in uu u gudbo wareega labaad , Cabdiwali Gaas waxa uu yeeshay Sumcad iyo taageero uu ka dhex helay dad badan oo Soomaaliyeed mudadi uu xilka hayay  balse gagabadi ayuu dhaawac soo gaaray Sumcadaas .

Guul darada Gaas

Cabdiwali Gaas waxa uu olole u galay Madaxwayne-nimada Soomaaliya balse waa ku hungoobay in uu xilkaas qabto , Waxaa loo aanaynayaa guuldaradiisa dhowr arimood
1: In uu uu qayb ka ahaado ogolaanshaha kala qaybinta Xildhibaanada Beesha SSC
2:In Madaxwayne Faroole uusan Rabin in Madaxwayne ka soo jeeda Puntland uu xiligaan Soomaaliya hogaamiyo
3:In madaxwayne Faroole Saxiixayaasha kaligiis ka haro

1:Cabdiwali Gaas Ex R/wasaarihi  Soomaaliya la dhinac noqoshada rabitaanka Puntland ee lagu kala qaybiyay Xildhibanaada Beesha SSC waxay aad ugu keentay dhaawac sumcadeed waxay dadka Siyaasada Soomaaliya falanqeeyaa ku tilmaameen in Gaas aysan munaasib ku ahayn arintaasu loogana baahnaa in uu ka kaco sida Shariif Sheekh Axmed ama dadaal dheer u gallo in Maamulada iyo xildhibaano soo xulida oo oday dhaqameed loo igmaday la kala saaro ,Waxaa arintaan lagu xoojiyaa ah in Gaas uu ku fududaaday  in ay jirto is-haysasho dhamaan beelaha Soomaaliyeed marka ay timaado in la qaybsado xildhibanaada lagu soo xulaayo 4.5-ta ee jifi kasti rabto in ay badsato ama sida cadba ay dhacayso in la qadiyo jifiyo ka mid ah Beelaha sababta oo ah waa wax aan haddi wax lagu qaybiyo aan marna Cadaalad laga dheehan karin dhaliishuna ay taagan tahay ,markaas haddi ay is-haysashada jifiyadu mid beel kasta ka dhex alosan tahay waxay ahayd in Gaas uusan damaca Madaxwayne Faroole uusan la dhinac noqon .

2:Arinka Labaad ayaa ah in Madaxwayne Faroole uusan raali marna ka ahayn in Gaas Madaxwayne noqdo ,Dibindaabyo Siyaasadeedkaas Madaxwayne Faroole ee ah  habfakarkiisa siyaasadeed ee odorosashadiisa Mustaqabkiisa  iyo in yoolka Siyaasadiisu yahay in uusan arkin awood Madaxwayne Soomaaliyeed oo uu hello qof ka Soo jeeda deeganaada Puntland sababta oo ah waxaa wiiqmaaya awooda ay Puntland xiligaan ku  leedahay Soomaaliya waxayna u ekaanaysaa Haddi shakhsi Reer Puntland ahi ku soo baxo sidi xiligi Cadde Muuse oo uu Soomaaliya Madxwayne ka ahaa Cabdulaahi Yusuf Axmed Aun , Xiligi Cabdulaahi Maamulki Puntland ee Cadde Muuse ma ahayn mid wax saamayn ah ku leh Soomaaliya sababta diidaysayna waxay ahayd Kursiga Cabdulaahi ku fadhiyay .

3: Madaxwaynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole waxa uu ka mid ahaa Saxiixayaasha lixda ahaa ee Road-Map-ka ka arimin jiray Saxiixayaashi lixda ahaa waxaa maanta ka jooga Madaxwayne Faroole intoodi kale waa ka dhamaaday waqtigu , Galmudug Doorasho aya aka dhacday ,Madaxde sare ee DKMG waa isla dageen oo Shariif Xasan ayaa la dagitaanki ugu dambeeyay ka sheegay xaflad Shariif Sheekh Axmed qabsaday waxa uu Shariif Xasan si nacsiin ah u yiri Shariif Sheekh Axmed waa Saxiibkay waana la rabaa ,Shariif ma garan guul daradu in ay harsanayso xiligaan Shariif Xasan oo aan Sumcad badan ku lahayn Shacabka Soomaaliyeed sababta oo ah waxa uu ku guulaystay isku dayo badan oo Siyaasadeed sidaas darteed shacabku waxay u arkeen nin Afmiishaar ah oo isku xir iyo dhisida kooxaysiga qatar ku ah balse aan danta dalka iyo dadka Wadin , Gaasna dhankiisa ayuu shariif Axmed u waydaarinaayay karkaarka , Ahlusuna waljameeca lama sheego ayaantaan KMG-ki laga baxay kama dambayn walow la leeyahay Maamul goboleed ayay la midoobayaan .

Aan ku soo noqdee Maanta waxaa Saxiixayaashi ka jooga Madaxwayne Faroole libin sheegashada  howshi Road-map-ku waa mid u taal Faroole oo maanta fursadda ka hadlida sanadki la soo dhaafay isagga ayaa ku lib sheeganaaya ragi kale Micraphone-ku ma ahan mid haleelaaya sababta oo ah waa kuwo aan xilal hayn.

Dagaalku wali ma dhamaan Waxa uu Cabdiwali Gaas olole ugu jiraa in uu dib ugu soo noqdo R/wasaarenimadiisi oo uu soo doorto Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud , Madaxwayne Faroole waa ka go,an tahay in uu Gaas saaxada Siyaasada ka dhamaato , dhanka Kale Madaxwayne Xasan Sheekh waxaa la wadaa in uu keenaayo qof ka tirsan kooxdiisa Al-islaax faraca Dam jadiid [Dhiiga cusub ] ama qof dhantaali kara Federal-ka Puntland ku dhagan tahay iyo gooni isu taaga Somaliland waa haddu madaxwaynuhu qabo in uu balaariyo Dawaldiisa goobo ka baxsan Koonfurtana ay ka howl gasho,  Cabdiwali Gaas waxa ay saadaashu u egtahay mid Shariifyo iyo caalin ku darsamaaya .

Cabdiwali Gaas ka hor xiligi uu qabtay Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ma ahayn mid siyaasada ku dhex jiray sooyaal siyaasadeedkiisu waa mid kooban oo ku eg sanad iyo todoba bilood , si xamaasadi ku jirto ayuu u wajahay ololihiisa isku xir iyo kooxaysi waa sameeyay balse waa meel mari wayday  ,Isagga iyo Saxiibkiisi Wasiirka ka dhigay Maxamed Farmaajo Xamaasadoodi Siyaasadeed dhowaan kac ayay noqotay Madaxwayne-nimona waa ku hungoobeen .

Saamaynta Puntland

Maamul Goboleedka Punland tan iyo marki uu xilka qabsaday Madaxwayne Cabdiraxmaan Faroole waxa soo wajahay Puntland dib u dhac gudaha ah , dhanka dibadda waa Soomaaliyee Faroole Shacabka Puntland waxa uu u muujiyay mid dagaal kula jira dad Federal diid ah iyo in uu xaqooda usoo dhicinaayo , Inti uu dhankaas ku maqnaa Gudihi ayaa doc faruurmay Waxaa bilatay Khaatumo State , Raascasayr State , Galbeedka Puntland State , Amnigu Faraha waa ka baxay , haldoor badan waala bartilmaameedsaday , Kooxo Xagjir lagu sheegay dhowr dagaal waa lala galay . Sracen duqaymo deegaano dad maato ahi dagan yihiin waa ku samaysay , Hebel waa hadlay ee hala xiraddu ma lahan tiro .

Waxaase intaasba ka daraaday marki dhowaan Garoowe lagu ansixiyay Dastuurka Puntland laguna sheegay in uu yahay mid Maamulka Madaxwayne Cabdiraxmaan Faroole ugu daraaya hal Sanno oo dheeraad ah ,arintaas Siyaasiyiin reer Puntland ah ayaa ka soo horjeestay oo sheegay in haddi nadaam axsaab ah loo guuraayo ay howsha dhiman dhamaystirto xukuumad Cusub oo ka dhalata Puntland 08-01-2013 xiligaas oo ah xiliga Maamulka Madaxwayne Faroole ku egyahay , Siyaasiyiintaas dhaliilay arinta sanad ku darsashadu waxay ku doodeen Dastuurkaan la ansixiyay ee sanadka lagu darsaday yaa gaynaaya , Sool , Cayn , Bari dagmooyin ka mid ah oo ah dhul aysan ka howl galin Puntland , Madaxwayne Faroole siyaasiyiintaas Cadoowga Puntland ayuu ku tilmaamay iyo kuwo amniga khalkhal ku wadda .

Xiligaan oo ay u harsan tahay Maamulka Faroole muddo sadex bilood ah sidi nadaamki uu ku yimi ahaa ayaa waxaa dhici karta in Guul darada Cabdiwali Gaas ay saamayso sanadki dheeriga ahaa ee Madaxwayne Faroole ku darsaday , sababta oo ah Faroole waxa uu dagaal la galay Gaas kaas oo ah in uusan helin Madaxwayne-nimada Soomaaliya isagga oo ka fakaraaya danahiisa siyaasadeed , Gaas inkasta oo uu siyaasada barbarad wali ku yahay haddana waxaa dhici karta in uu u ololeeyo in Madxwayne Faroole meesha ka baxo isagga oo ka fakaraaya waa Gaase mustaqbalkiisa siyaasadeed Tusaale waxa dhacaysa haddi loo dareero Puntland oo ay meel marto nadaam xisbiyó tartama in uu ku soo baxo Xisbiga Madaxwayne Faroole Markaasna madaxwayne Faroole sii daadihiyo Puntland ilaa 2019 kusoo bixida xisbiga Madaxwayne Faroole inta badan doorashooyinka xisbiyada ee markaas bilowdaa waxa ay noqdaan meelaha ay ka bilowdaankuwo lagu shubto  , Gaas oo rajjo siyaasadeedkiisa ah in uu 2016 madaxwayne noqdo waxay ku noqon caqabad uu horay usoo arkay in Madaxwayne Faroole joogo Puntland .

Cabdiwali Gaas ayaa fursad u heli kara in uu meesha dhaafiyo Faroole sababaha Soo socda dartood , Gaas waxa uu helay xiligi uu R/wasaaraha ahaa isimada soo jireenka ah ee Puntland ka soo jeeda halka ay Faroole ka diideen in ay dib ugu soo laabtaan Garoowe arintaas oo ahayd ismuujin awood siyaasadeed yeelasho ku fadhida oo Faroole hello , Gaas waxa uu saadaalin karaa  in uu isaggu keeno qof ay isu siyaasad dhow yihiin Puntland oo la galla xiliga doorashada Soomaaliya ee soo socota  olole ah in Gaas soo baxo , In Madaxwayne Faroole uu yahay mid aan lahayn isku xirka kooxaysiga gudaha marka laga taggo wasiiradiisa Garoowe jooga, Waxaa sidoo kale jirta in xukuumadiisa ay ka buuxaan dad badan oo aan la dhacsanayn hanaanka Maamul ee madaxwayne Faroole , Gaas halka kale ee uu wajahi karo ama uu ku ololaynaayo in Faroole la waydaarsiiyo Maamulka ayaa ah waa in dib loo soo celiya Puntland-ta wayn , waxaa arintaan ku jira oo kaleeto haddaan Puntland wayn la soo celin waxaa fashilmaaya oo meesha ka baxaaya nadaamka Federalism ah ee dadka Puntland aadka u aminsan yihiin tusaale marka dhul ku xusan Dastuurka Puntland ay dawlada Soomaaliya uga howl gasho hanaanka dawlad midaysan markaas Federal-ku waa soo koobmayaa , soo celinta Somaliland waxay  ka tahay qayb haddi dhulka dastuuriga ah ee Puntland ay dib ugu soo noqdaan Gacanta Puntland , Arinta ah Puntland-ti 1998-di la dhisay ayaa loo baahan yahay waxay noqonaysaa mid hesha taageero badan oo shacabka ah waxaana halkaas ka imaan kara In Maamulka Faroole uu meesha ka baxo .

Waa siyaasad iyo siday u dhacdo waxaase ka horeya in uu Gaas leeyahay Sawiarashada Mustaqbal siyaasadeedkiisa oo ay muhiim u tahay in uu Hello taageerada Puntland isagga oo haysta casharki guul daro ee ku dhacay 10-09-2012 marki  uu helay 30-cod oo ah marka la kala qaybiyo xubnaha koox odayeedka uu ka tirsan yahay {Daarood sida Soomalaidu isu taqaan ] arintaasna ay qayb ka tahay aanno siyaasadeed Faroole gaystay iyo isagga oo aan Gaas madaxwayne-nimadiisa ku Faraxsanayn kana raali ahayn danahiisa siyaasadeed dartood.

Waxaa dhici karta in madaxwayne Faroole oo gaashaan adag la soo baxo meesha ka saaro hamiga cidkasta oo rabta i n ay carqaladayso sanadkiisa uuna sida uu u dhigtay ay ku meel marto isagga oo dhinacyo badan kaashanaaya sida ciidamadda ,balse arinkaasu sida aan qabbo wax auu sii dheeraynayaa ama hungo k a dhigaayaa dareenka ay la nool yihiin dadka qaybtooda aminsan in Puntland dib u habayn lagu sameeyo , waxaan ognahay in Madaxwayne Faroole oo mucaaradka Maamulada kale samaystay uu ku fashilmay in uu heshiis la gallo oo uu qanciyo furfurid iyo diciifina ku sameeyo aragtiyadaas Puntland wiiqaaya ee ay wataan siyaasiyiin kale oo ka soo horjeeda hanaanka dawladnimo ee Madaxwayne Faroole