Falanqeyn:  IGAD oo  Mashruuc siyaasadeed ka dhigtey  Qaxootiga Soomaalida 

444

Ajandaha Shirkaan ayaa wuxuu yahay mid ku saabsan qaxootiga Somaliyed ee ku nool dalalka ku bahoobay Urur Goboledka IGAD, waxaana ka qayb galaya Madaxweyna yaasha IGAD Qaarkood.

Sidaan la wada socono Somali badan oo qaxooti ah ayaa  ku nool  qaar ka mid ah dalalka ku bohoobay magaca IGAD,

Qaxootigaasi Somaliyed, waxaa haysata xaalad kala duwan oo dhanka nolosha ah  arinka ugu wayn ayaa ah iyagoo aanan  haysan wax waraaqo aqoonsi ah oo cadeynaya inay yihiin Qaxooti sax ah ama aqoonsi cadeynaya  ina yihiin soomaali sax ah.

Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo kamid ahaa madaxdii shirkaas ka qeyb galay
ayaa wuxuu halkaa ka jeediyey khudbad dheer
oo inteeda badan uu kaga hadlay u mahad celinta ururka IGAD doorka nabadeynta  ee ay ka  qaateen  Soomaaliya.

Waxaa  kale oo uu khudbadiisa ku soo qaatey  xaaladaha abaaraha ee dalka kajirta  iyo sida ay muhiim u tahay in Dawladiisa laga caawiyo dib u dhiska hey’adadeeda dowliga ah.

Waxaa wanaagsanayd in uu khudbadiisa si toos ah ugu sheego in aanay waqtiga Suurta gal ahayn  in Qaxooti waqti dheer daganaa wadanka kenya iyo wadamada la midka ah  iyo kuwa Yurub maraykanka in aan soomaaliya lagu celin karin.

Taas oo uu sabab uga dhigayoin marka hore   Dawlada uu hogaaminayo in  ku guulay sato  inay  xal u hesho dadka ku Barakacay Gudaha soomaaliya  ee gaaraya 1milyan.

Madaxweyne Farmaajo aad ayuu uga Gaabsadey in uu ka hor yimaado siyaasada soo celinta Qaxootiga soomaalida ee ku nool wadanka kenya. ee shirkan  IGAD markii ugu horaysay looga hadlay .

27sano waa waqti  dheer dadka soomaaliyeed ee  Qaxootiga ku ahaa  wadamada dariska sida itoobiya iyo kenya in la yiraahdo waa la soo celinayaa Gaar  ahaan kuwa ku nool wadanka kenya. Waqtiga dheer

Waxaa wax la yaabo ah Dawlada  Kenya ayaa sheegtay in ay albaabada u laabayso xerada qaxootiga ugu wayn dunida ee Dhadhaab meesha lagu gaaro bisha afraad ee sanadkan,2017  waxayna bilawday qorshe uu qaxootigu iskii dib ugu laabanayo Soomaaliya.

Maxay tahay siyaasada ka dan baysa arinkan
Aduunyada aan ku nool nahay waxaa ka jira ururo iyo dawlado difaaca Dadka Qaxootiga ah
Aduunku waa iska indha tirayaa xaqiiqda saxda ah.

Dadka soomaaliyeed ee waqtidheer ku noola
Xeryaha Qaxootiga ee kenya  In la yiraah si fudud waa la idin celinayaa iyadoo lawada og yahay dhibaatada soomaaliya ka jirta Arinkan waa wax ku cusub caalamka waxa ay wado   dawlada kenya.

wayna iska cadahay in siyaasad ay ka dan bayso. Waqti dhaw ayaa la ogaan ujeeda ka danbeysa. ee Dawlada kenya wadato.

Sida  la wada og yahay  in ka badan 2 milyan
oo Soomaali ah ayaa ku barakacsan gudaha dalalka  Geeska Africa.

Waxaa kaloo jira 1milyan  oo  barakacayaal ah oo ku sugan gudaha soomaaliya arinka waxaa sheegay  hay’adda Qaramaa Midoobay u qaabilsan Qaxootiga. UNHCR

Waxaa kaloo dhibaate kale ah  Tahriibka.
Rajo xumida soo wajahday Soomaalida ku jirta xeryaha  qaxootiga  waqtiga dheer arikan waxay qasabtey   tahriib dhib  badan oo dhul dheer loo aado si nolol ka duwan tan ay ku jiraan ay u helaan,

Waxaa Falanqey tayda ku soo Gabo gabeenayaa waa in  dadka soomaalidu ku heshiiyaan  inay  iyaga ku xiran tahay xalka ugu fudud ee looga bixi karo dhibaatada Qaxootiga iyo abaaraha colaada.

Shirkasta oo ka qabto oo looga hadlo arimaha somaliya waa mid lagu liidayo shacabka soomaalida.

Qore Maxamed Caalim