Falanqeynta Shirkii IGAD ee Muqdisho

490

Shirkii aan caadiga ahayn ee 28-aad ee Madaxweynayaasha urur Goboleedka IGAD ayaa 13-kii bishaan Sebtembar lagu qabtay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Sooamaliya. Waa markii ugu horreysey oo lagu qabto shir madaxeedka IGAD Soomaaliya taniyo markii la asaasay 1986-dii.

Dalalka xubnaha ka ah IGAD ayaa waxa ay u arkaan shirkaan 30-sanno kaddib in Muqdisho lagu qabtay inuu yahay guul u soo hoyatay xubnaha IGAD, sababtuna ay tahay sida ay rumaysan yihiin dadka falanqeeya siyaasaadda qaarkood in Ciidamada AMSOM oo intooda badan ka soo jedaa dalalka IGAD ay ku qarinayaan guul darrada ciidamadooda in Muqdisho IGAD ku shirtay, si ay deeqbixiyayaasha dowladaha reer Galbeedka ay ugu qanciyaan in aysan ku fashilmin nabadaynta Soomaaliya.  Ma wada imaan Madaxweynayaashii IGAD oo dalalka Suudaan, Koofurta Suudaan iyo Jabuuti ayaa ka maqnaaday shirka , sababtuna lama caddeynin.

Shirka waxaa lagu qabtay  Hoteelka Peace ee magaalada Muqdisho, una dhow garoonka Aadan Cadde. Waxaa ka soo qayb galay shirka R/wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn oo ah Guddoomiyaha IGAD ee xilligaan,  Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta , Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo isagu dalkiisu shirka marti gelinayay. Madaxweynaha dalk Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa isagu ka maqnaaday shirka waxaana Jabuuti uga qeybgalay Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamuud Cali Yuusuf, halka Suudaan uu uga qeybgalay safiirka u fadhiya Soomaaliya Maxammed Yusuf Cabdulmannaan.

 

Ilaa hadda lama oga sababta dhabta ah ee ka dambaysay baaqashada madaxweyne Ismaaciil Cumar  Geelle,  inkastoo la sheegay in diyaaraddii sidday ay ku timid cillad farsamo siddaasi darteedna uu shirka uga baaqday.

Shirkaan oo socday muddo hal saac iyo shan iyo labaatan  daqiiqo ah, ayaa waxa uu saamayn wayn ku yeeshay nolasha dadka degan magaalada Muqdisho,  kaddib markii ay ciidamada ammaanka iyo kuwa AMSOM ay ka mamnuuceen isku socodka dadweynaha iyo gaadiidka muddo shan maalmood ah lana xiray dhammaan waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho. Xirnaashiyaha waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa ku soo beegmay labadii maalmood ee ugu horreysay ee munaasabadda Ciidul Adxaha.

Shacabka ku nool magalaada Muqdisho ayaa dareen kale duwan ka muujiyay xirnaashaha magaalada Muqdisho ee ku soo beegmay munaasabadda Ciidda.

Nin magaciisa ku soo gabsaday, Xasan ayaa waxa uu yiri “ waan ka xumahay  qaasaraha dhaqaale ee iga soo gaaaray shanti maalmood ee magaaladu bandowga ahayd, badeeco aan ugu tala galay ciidda in la iga gato ayaan qaasaaray oo aan suuq u waayey’’.  30 jir ayaan ahay waana markii ugu horresay nolashayda oo aan ciid sidaan oo kale ah aan farxad la’aan ku ciidday’’.

Muddadii shanta maalmood ahayd ee magaalada Muqdsho ay xirnayd ayaa khubaro dhanka dhaqaalaha ah waxa ay sheegeen in Soomaaliya ay khasaartay malaayiin doollar, taasi oo ay sheegeen in Dowladda Soomaaliya ka gaashaaman kartay oo ay jirtey qaab kale oo amniga loo sugi karayey.  Waxaana dad badani haatan is weydiinayaan faa’iidada siyaasadeed ee shirka Soomaaliya ka soo hoysey  iyo khasaaraha dhaqaale ee soo gaaray marka la isbarbar dhigo kan badan ?

Soomaaliya, ayaa marti gelisay shirkaan iyadoo ay ku jirto xaalad kala guur ah, shakina kuma jiro in guul siyaasadeed Soomaaliya ka soo hoosey shirkan taas oo ay ugu horeyso madax bannaanida, xudduudaha iyo midnimada Soomaaliya oo IGAD ay isla qaadatay lama taabtaana in ay tahay, in kastoo qaar IGAD ka mid ah ay iyagu markasta ku xadgudbaan arrimahaasi oo dhan. Waxaa jirta maah maah carbeed oo oronaysa ‘’kuwii xadayey ayaa  ilaalinaya’’.