Fallo: Muqdisho, magaalo socota

280


Muqdisho waxay soo martay sanado badan oo aysan jecleysan in dib loo xasuusiyo.

Maantase
waxay macaansaneysaa maalmo nabadeed iyo hor u kac.Maalamaahan oo magaalada u yeelay
waji ka duwan kii lagu yaqaanay.Wajigaas oo ahaa mid magaalada la xiriiriya masawiro fool xun,
iyo hadallo naxdin badan.Muqdisho maanta ma ahan ti tusaalaha u aheyd rajo beel iyo ee niyad
jab, ee waa magaalo bogsaneysaa oo hiigsaneysaa meel sare.
Muqdishadii 2013ka.

Waxay aheyd sanadkii 2013kii markii aan soo noqday.Xiliyadaas waxay ahaayeen xiliyo lahaa
xusuuso mahadho ah.Magaalada waxaa faro ba,an ku hayay falal amni darro ah oo halis ku ahaa
nolosha dadka ku dhaqnaa magaalada.Amni darradaas waxaa iyana sii siyaadinayay askar faro
badan oo saaraan baabuurta dagaalka,kuwaas oo tubnaa isgooysyada magaalada.Mararka
qaarna ay handadaad kala kulmi jireen dadweynaha.Waa taa sii dheeraa isku dhaca askarta
dawlada oo iyana ahaa caqabad kale.

Hadda maxaan arkay.

Waloow aysan magaaladu wali ka bogsan dhibaatadii ammaan,haddana waxaa jira nafs ay
dareemayaan dadweynaha ku dhaqan caasimada.

Falalkii amni darro ayaad moodaa in uu is yara
dhimay xawaarihii uu ku socday.Miyaa loo sababeyn karaa ciidanka la iigu sheegay xasailinta ee
ku sugan isgoosyda muhiimka ah ee magaalada.Sidoo kale waxaa in la xuso u baahan dhawaqii
rasaasta oo yaraaday.

Caqbadaha soo kordhay.
Waxyaabaha ugu badan ay dadku ka cawdaan waxaa ka mid ah xirnaashaha wadooyinka.

Xirida
wadooyinka xaafadaha dhexmara waxay abuureen saxmad aad u faro badan.Saxmadaas oo aan
ogolaaneyn in qofu si dhaqso u tago halkii uu rabay.Waxyaabaha kale ee saxmada sii kordhinaya
waxaa ka mid ah baabuurta waaweyn ee la dhiganayo wadada dhinaceeda oo wadada xireysa.
Dhinaca nolosha iyo horu-marka.

Muqdisho sida lagu yaqaan waa magaalo dhaqso usoo kabsata.Taas waxaa daliil u ah
dhismayaasha cusub ee har iyo habeen qawda lagu hayo.Sidoo kale magaaladu kama harin
dhinaca horumarinta bini-aadanka oo waxaa jira intaas oo goobood oo waxbarasho oo saaraa
arday baratay cilmi kala duwan.Waloow saluug badan ka jiro tri badnida jaamacadaha iyo
tayadoodooba, haddana waxay dadka qaar ku doodayaan in ay wax la,aan dhaanto.
Gunaanad.

 

Muqdisho hadda ma ahan mid wadata tlmaamihii lagu yaqaanay.Waa mid rabta in ay noqoto
tlmaan wanaagsan.nn ay noqoto iyo in kale waxay ku xirantahay habka loo qaabeeyo oo loo
maamulo.Muqdisho waxay u baahantahay in bilicdeeda lasoo celiyo taasna waa masuuliyad
saaran muwaadin iyo masuulba.Magaalo waxaa muunadeeya oo micno u yeele dadkeeda.