FAO: 2 Malyeen ayaa laga cabsi qabaa in raashiin la’aan kusoo wajahdo Soomaaliya

85

In  badan 2 milyan oo qof oo ku nool Soomaaliya ayaa laga cabsi qabaa inay wajahaan cunno yari aad daran, nafaqo darro baahsan iyo inay hanti beelaan iyadoo la saadaalinayo qiyaastii hal milyan oo carruur ah inay nafaqo darro ku dhacdo illaa bartamaha sanadka soo socda ee 2020-ka sida ay sheegayso kooxda la socota sugnaanta cuntada ee hay’adda cunnada aduunka ee FAO.

Shir jaraa’id oo lagu qabtay Muqdisho ayay kooxdu ka sheegtay in loo baahan yahay gurmad caalami ah si looga baaqsado in arintu gaarto meel khatar ah.

Abaaraha ayaa si weyn saameyn ugu yeeshay nolosha dadka reer guuraaga iyo beeraleyda.

Daniel Mola oo ah la taliyaha dhinaca farsamada ee Kooxda Sugnaanta cuntada ee hay’adda cunnada aduunka ee FAO ayaa sheegay in aad u yaraadeen dalaggii soo go’ayay sababo la xiriira abaaraha ka taagan Soomaaliya