Faransiiska oo sheegay in 20 dagaalyahan uu ku dilay dalka Maali

346

56bbcbcbb4224affb925b8cc246478c6_18

Dowladda  Faransiiska ayaa sheegtay in duqaymo ay ka gaysteen diyaaradaheeda dagaalka xadka dalka Maali uu la leeyahay Burkina Faso ay Ku dileen 20 dagaalyahan.

Duqaymaha ayaa ka dhacay Kaymo lagu magacaabo Foulsare, oo dhanka Koonfur galbeed kaga began magaalada Gao ee dalka Maali.

Duqaymaha ayaa la sheegay in ay gaysteen diyaradaha dagaalka Faransiiska gaar ahan kuwa lagu magacaabo Mirage, oo ay leeyihiin ciidamada la dagaalanka argagaxisada Faransiiska.

Faransiiska ayaa sheegay in howlgalka sidoo kale ay Ku lug lahaayeen ciidamo ka tirsan kuwa lugta dalka Faransiiska, kuwaasi oo inta howlgalka socday soo furtay hub fara badan oo ay Ku jiraan gantaalada lidka diyaaradaha.

Labaatanka dagaalyahan ee la dilay ayaa la aaminsan yahay inay ka tisan yihiin dagaalyahano daacad u ah kooxda ay al-Qaacida ee ka dagaalama saxaraha dalkaasi Maali.

Faransiiska ayaa 2014 kii ciidamo gaaraya 4,000 oo askari geeyay dalal uu horay u gumaystay oo Ku yaala galbeedka iyo waqooyiga Africa oo ay ka mid yihiin Mali, Chad, Niger, Mauritania iyo Burkina Faso.