Tuesday, September 22, 2020
Home Wararka Maanta Faransiiska oo xal u raadinaya mushkiladda Lubnaan

Faransiiska oo xal u raadinaya mushkiladda Lubnaan

218
    

Madaxwaynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron, ayaa wada dadaallo diblumaasiyadeed oo uu ku doonayo inuu ku xaliyo mushkiladda siyaasadeed ee ka taagan dalka Lebanon, taasi oo ka dhalatay is casillaad deg deg oo uu ku dhawaaqay ra’iisul wasaaraha dalkaasi Sacad Hariiri ayadoo wasiirka Arrimaha Dibadda Lebanon la filayo in magaalada Riyadh kula kulmo Mr. Hariiri.

Emmanuel Macron, ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha Lebanon Sacad Hariiri iyo qoyskiisa uu Ku casuumay dalka Faransiiska isagoo meesha ka saaray inay Casuumaadda ay tahay mid magan galyo siyaasadeed.

Macron ayaa dhowaan booqasho lama filaan ah Ku tagay magaalada Riyadh isagoo halkaasi kula kulmay dhaxal sugaha dalka Sacuudi Carabiya Maxamed bin Salmaan.

Sacad Hariiri ayaa is casillaaddiisa Ku dhawaaqay isagoo Ku sugan dalka Sacuudiga.

Waxaa uu Ku sababeeyay is casillaaddiisa in Iiraan iyo xulafadeeda Xisbullah ay dhibaato ka wadan dalka Lebanon.

Madaxwaynaha dalkaasi ayaa sheegay in Sacuudiga uu Ku xad gudbay madaxbanaanida dalka Lebanon.

Arrimaha siyaasadda dalkaasi waxaa go’aan ka gaara marwalba dowladda mucaaradka isku ah ee Sacuudiga iyo Iiraan.

Emmanuel Macron, oo ah madaxwaynaha ugu da’da yar taariikhda casriga ah ee dalka Faransiiska ayaa tallaabadan uu qaaday waxaa lagu tilmaamay inay tahay mid uu Ku muujinayo awooddiisa Barriga dhexe ayadoo Lebanon ay tahay dal uu horay u gumaysan jiray Faransiiska.