Farmaajo iyo Uhuru oo maanta kulmay

263

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta lagu wadaa in Magaalada Nairobi uu kula kulmo dhigiisa Kenya Uhuru Kenyatta.

Mr Farmaajon Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan  gaaray Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya, ka dib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay dhigiisa dalka Kenya.

Labada Masuul ayaa lagu wadaa in ay ka wada hadlaan arrimo badan oo cilaaqaadka labada dal iyo Iskaashigooda ku aadan.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa maalinta berri ah ka qeyb galaya shir Madaxeedka Urur Goboleedka IGAD oo ka dhacaya isla Magaaladaasi Nairobi.