Farmaajo: Waxaa naga go’an dhismaha ciidan Qaran oo tayo leh (Sawiro)

203

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyay furitaanka Wejiga labaad ee shirkii London ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay go’an tahay dhismaha Ciidan Qaran oo tiro iyo tayo ahaanba ku filan iney amniga kala wareegaan Ciidanka Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM).

Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay u mideysan yihiin la dagaalanka Al-Shabaab,isagoona beesha caalamka ugu baaqay iney doorkooda ka soo dhalaalaan.

Wejiga Labaad ee shirkii Lodon oo maanta ka furmay Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxda Qaranka, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Safiirrada dalalka shisheeye iyo Wakiillada Beesha Caalamka.