Fedel Castro oo geeriyooday iyo taariikh nolaleedkiisa

412

Fidel Castro, Madaxweynihii hore ee Cuba iyo Sidoo kalena ahaa hoggaamiyihii kacaankii shuuciga ahaa ee wadankaasi ayaa geeriyooday isagoo  da’disu ay ahayd 90, sano jir

TV-ga dowladdu maamusho ee Cuba ayaa baahiyay in madaxweynihii hore ee Cuba uu Geeriyooday  7pm Waqtiga maxaliga ah  dalkaasi.

Geerida halyeeyga Cuba ayaa waxaa xaqiijiiyay walaalkiis oo haatan ah madaxweynaha  talada  haya Raul Castro.

Fedel Castro ayaa Ku geeriyooday Cisbitaal dowladda ay maamusho oo Ku yaala Caasimada Havana ee Jaziiradda Cuba.

Taariikh nolaleedka Fedel Castro.

250px-fidel_castro_-_mats_terminal_washington_1959

Fidel Alejandro Castro Ruz ayaa noolaa inta u dhaxaysay August 13, 1926 – November 25, 2016), isagoo ahaa Ra’iisul wasaaraha wadankaasi mudadii u dhaxaysay 1959 to 1976.

1976  ilaa iyo 2008 dii waxaa uu ahaa Madaxwaynaha Cuba.

Fidel Alejandro Castro Ruz ayaa 
August 13, 1926 Ku dhashay gobalka
Birán, Holguin  ee dalka Cuba.

Waxaa uu ahaa hogaamiyaha xisbiga Orthodox Party until u dhaxaysay
(1946–52).

Sanadihii u dhaxeeyay 1953 ilaa iyo 1965 tii waxaa uu ka tirsanaa xisbiga  26th of July Movement.

1965 ilaa iyo sanadkan ee aynu ku guda jirno ee 2016 ka waxaa uu ahaa Hogaamiya xisbiga Shuuciga ah ee Communist Party of Cuba.

Fedel ayaa dhalay 9 carrur ah oo ay ka mid tahay gabadhiisa curudda ah ee la yirahdo Alina Fernandez Taasi oo dhalatay March 19, 1956.

220px-alina_fernandez

 

Fedel Castro ayaa waxaa uu saaxib dhow la ahaa waligiis walaalkiis Raul Castro, waxaa ay muddo dheer ka tirsanayeen

Fidel Castro ayaa dalkaasi maamulaayey ku dhawaad Nus Qarni ka hor inta uusan xilka ku wareejin walaalkiis 2008.