Soomaaliya waxa ay ahayd jamhuuriyad madax banaan awoodeedana gacanta ku haysey, Laga soo bilaabo sanadii 1960-kii oo xornimada ay qaadatay ilaa iyo 1990-kii.
Burburkii ku dhacay Soomaaliya, ayaa keenay in Soomaalidu kala abaado is-aaminaad la’aana ay ka dhalatay dhankii maamulka iyo siyaasadda. Aduunka oo Soomaaliya ay garab ka filaysey ayaa isna kaalin mug leh ka qaatay kala qaybinta Soomaaliya, iyadoo loo abuuray hannaan lagu magacaabay federal oo dad badan ula muuqda kala qaybintii oo la casiryeeyey.
Tusaale waxaa kuugu filan xiligii Soomaaliya ay jamhuuriyada ahayd hadii gobolada dalka mid kamid ah ay ka dhacdo dhibaato, dadka Soomaaliyeed waxay u arki jireen in ay ka dhacday dhulkoodii iyagana ay u taalo fal-celinteedu. Halka maanta hadii maamul goboleed Soomaaliya ah dhibaato ka dhacdo uu u arko maamul goboleedka kale ee Soomaaliyeed in aanay isaga qusayn.
Sidaas darteed ayeyna arrintan ugu muuqataa kala tagii Soomaaliya oo la casriyeeyey.
Sidaas oo ay tahay, dad badan oo Soomaaliyeed ayaan u daymo la’ayn ka feejignaanta waxa uu dha-dhamayo federaalku.
Abwaan Cabdullahi Maxamed Jimcaale ayaana tixdan ku cabiray:
In Banaadir laga jaro, Balcad iyo Af-gooyoo
Beledweyne laga dhigo Xuduud beelitaaloo
Badhtankeeda mudug ay, Bir xadiid ah taaloo,
Sool batroolka jiifana Beelo loo afduuboo
Jubba baasha Kenya Bah-wadaag la tahayoo
Baydhabo Ethiopia ay u madax banaantahay
Baahideena maahee Wax la beeray weeyaan.
Hadaba, su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah hadii qolo kasta u xiiqsan tahay xaqeeda qabiilnimo, xayn-daabkeeduna aanu dhaafsiisnayn xaqa beesha oo keliya yaa u xilsaaran kaalintii qaranimo? Inkastoo hannaankan (federaalku) aanu weli rasmi noqon oo ay dhimantahay in loo qaado afti dadweyne, hadana waa muhiim in lagu baraarugo aafooyinka uu xambaarsanyahay. Abwaan Cabdiladiif Cismaan Faarax oo ka qiirooday kala qoqobka dadka Soomaalida ah lagu hayo ayaa dhankiisa isna tixdan kula hadlay dadka Soomaaliyeed.
Soomaalaay damiirki mee
dareenkii maxaa la tegey
Tanaa tii hore ka daran
In ay arin durugsan tahay
In ay dabin qoolan tahay
Gumeyste dantiisa tahay
Miyey naga deyran tahay
Dalkii nimanbaa qoqobay
Gobolba gobol buu daniyey
Xaduudbaa la kala degaa
Ninba degelkuu xukumo
dastuur baa jira u yaal
Wuxuu doonuu falaa
Siyaasadu waa u durduro
Danbaa loo wada socdaa
Dadweynuhu waa maxbuus
Ninkii degmo kale tagaa
Siduu dal shisheeye yimi
Damiin baa laga rabaa
Diiwaan baa laga qoraa
Aadan Jaamac Axmed