Federaalku midnimo Soomaali oo dib u curata ma horseedi karaa?

653

Federaalku midnimo Soomaali oo dib u curata ma horseedi karaa?

AFEEF
Kahor inta aanan bilaabin nuxurka qormadayda, waxaan ka afeefanaya laba-saddex arrimood:
Mashaakilka Soomaalidu waxa uu gaadhay heer aan caalamku aqoon, una baahan xal Soomaaliyeed oo aanu caalamku keni karin.

Anigu wax aan jeclaan lahaa, in bandanna u hawl galay, dhibaatooyin badanina iga soo gaadheen, in aan arko Soomaali oo si dhakhso ah dib isugu soo noqota, kaddibna wixii khaladaad dhacay la saxo. Waa suurtoobi way. Wax aanan ku qanac sanahay, cidina iiga war roonayn, in aan si fudud waxba ku xallismayn.

Afar–shan sano wax aynu maqalaa dawlad federal Soomaaliyeed iyo Somaliland baa wada hadlaya. Dawladda federalku wax soo jeedin ah ma geyso, oo wax ay sugaan oo keliya in mawqifkii Somaliland wax iska beddeleen. Somalilandna marwalba jawaab laba qodob ahi waa ka diyaar oo ah:
Madax banaanida Somaliland waa lama taabtaan – lagama hadlaan, iyo
An is aqoonsanno, oo laba dawladood oo walaalo ah iskaashada noqonno.
Kadibna waxaynu maqalnaa War Murtiyeed baa soo baxay, oo nuxurka macnaha kujira uu yahay oo keliya in wada hadallada la sii wado.
Dadweynihii Soomaaliyeedna waa dhegestayaal aamusan.
Sidaas darted ayaana qormadan ku qaadaa-dhigayaa si kooban sida aan xal u arko.

Anigoo ka faa’iidaysanaya fursaddan la igu marti qaaday ka qayb galka dooddan muhimka u ah dadka Soomaaliyeed, marxaladdan xarajka ah ee taariikhdooda.
‘Somalia’ iyo Somaliland, kaddib markii ay mid kasta goonideeda u xorowday, bay ikhtiyaarkooda ku midoobeen oo noqdeen Jamhuuriyadda Soomaaliyeed (ma ahayn Jamhuuriyadda Somalia), 1dii July 1960.
Soddon sano kaddib, dhacdooyin murugo lahaa awgood, bay Somaliland ka baxday midowgi 18 May 1991.
Isku soonoqosho kasta oo dib u midow ah, wax aa lagama maarmaan u ah heshiis dambe, oo si dhab ah ay dib ugu gorgortamaan labadii saameele (stakeholders) ee hore, ‘Somalia iyo Somaliland oo keliya.
Maadaama ujeedada kulankani tahay ka doodis federaal, wax aan jeclahay in aan soo jeediyo haykal (framework) u noqon kara sees gorgortan, haddiiba ay fursadi timaaddo.
Muraad kayga kowaad waa dhiirri gelin soo jeedinno ee waddaniyiinta kale ee Soomaaliyeed, wax tan la mid ah ama ka duwan, si loo hawl geliyo dood cilmiyeed ballaadhan ee arrinkan muhimka ahi mudan yahay. Maxaa yeelay, mashaakilka Soomaaliyeed waa kuwo aan dunidu aqoon, soona marin, una baahan xal Soomaaliyeed oo aanay beesha caalamku keeni karin.
Haykalka aan soo jeedinaya waa sidan:
1. Bilow ahaan, waa in federal kasta ku salaysanaada Waqooyi iyo Koonfur, laba walaayadood (two states) oo federaal ah, labadii saameele ee hore.
2. Markaas ka dib, Walaayad kasta oo federaal way is baahin kartaa oo awoodo xukuumadeed – horumareed, iwm, bay u daadijin karta hay’adaheed hoose, sida dawlad Goboleedyo, iwm; wax ayna yeelan karta hay’ado kale oo Walaayadeed, sida Gole Odayaal (Guurti), iwm.
3. Walaayad kasta waa in ay lahaato Gole Shaarci Dejin (State Legislature), Garsoor, amni gudaha ah, maaliyad, iwm.
4. Walaayad kasta waa in ay lahaata Wasiir Kowaad, oo uu soo magcaabo xisbi siyaasadeed oo ku guulaysta aqlabiyad kuraasta doorashooyin walaayadeed, ama isbahaysi xisbiyo leh aqlabiyad kuraasta Golaha Sharci Dejinta ee Walaayadda.
5. Waa in dawlad Walaayadeed kasta kalsooni ka hesha Golaha Sharci Dejinta ee Walaayaddeeda; golahaas oo keliya baana ridi kara dawlad Walaayadeed.
6. Waa in uu jiraa Baarlimaan Federaali ah. Iyo Madaxtooyo meerto u ah labada Walaayadood. Golaha Sharci Dejinta ee Walaayadda meertada u leh baa soo magcaabaya Madaxweynaha Federaalka, wax aana ansaxinaya Baarlimaan Federaalka.
7. Waa in ay ka mid yihiin wajibaadka dawladda Federaalka arrimaha soo socda:
(a) Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamka, (b) Difaaca iyo Amniga qaranka oo ay ku jirto ilaalinta soohdimaha, (c) Bankiyada iyo lacagta, (d) Ganacsiga dibedda, (e) Khayraadka dabiiciga ah, iyo hantida kale oo soo gasha qaranka, (f) Socdaalka iyo Dhul ku-Galka, (g) Jinsiyadda iyo Magan gelinta siyaasadeed.
8. Waa in hay’adaha federalku hoos yimaadaan Madaxtooyada, xiriir shaqo oo dhowna la leeyihiin Wasiirada Kowaad, iyo dawlad Walaaya-doodkooda.
9. Waa in Maxkamad Dastuuri ahi jirta, xubnaheeduna si isu dheelli tiran ugu qaybsan yihiin labada Walaayadood.
10. Waa in si caddaalad ah loo qaybiya khayraadka dabiiciga ah iyo hantida kale oo soo gasha qaranka.
11. Muqdisho waa in ay ahaata caasimadda qaranka, laga se yaabe in fadhiisinka Madaxtooyadu noqdo meerto u dhexaysa Muqdisho iyo Hargeysa.
12. Haddii xaalad xil gudasho la’aan ahi, iwm., ay ku timaaddo Madaxweynaha, Afhayeenka Baarlimaanka Feeraalka baa si ku meel gaadh ah u qabanaya xika Madaxweyne, inta Golaha Sharci Dejinta ee Walaayadda meertada lihi soo magcaabayo beddelkii Madaxweynaha hore, 45 cisho gudahood, inta mudadiisi ka hadhsan.
13. Dastuurka qabyo-qoraalka (draft) ah ee federaalka hadda laga oo hadda laga hadlayo, waa in dib loo qoraa oo xaqaa’iqa la waafajiya.

Wa billaahi wa towfiiq,
Jaamac Maxamed Qaalib,
Muqdisho Soomaaliya

 

jaamac-maxamed-qaalib