Fitnada Federaalka iyo Colaadda Gaalkacyo

543

Dhammaadkii Bishii Nofembar ayuu dagaal ka qarxay magaalada Gaalkacyo, kaasoo dhexmaray maamullada Puntland iyo Galmudug oo ay kala hoggaamiyaan Cabdiweli Maxamed Cali iyo Cabdikariim Xuseen Guuleed.Dagaalka Gaalkacyo ayaa la sheegay inuu salka ku hayay wad-do la dhisayay oo dad kasoo jeeda Puntland ay qandaraas ku qaateen dhismaheeda. Markii ay soo gaareen dhanka Koonfurta ayay codsa-deen sida la sheegayo dad kasoo jeeda Galmudug in qandaraaska la siiyo si ay u dhammeystiraan. Waxaa intaa u wehlisay in Galmudug ay u arkeen in Puntland ay kusoo durkayso oo ay isbaaro cusub ka sameysanayaan deegaankooda.

Markii uu isfaham dhici waayay ayaa arrintii waxa ay keentay in ciidamadii labada dhinac ay hub culus iyo mid fudud-ba isu adeegsadaan, dagaalladaas oo sababay in magaalada oo idil la qaxo. Gaalkacyo waxa ay ku naallooneysay tan iyo 1993-kii heshiis Gaalka-cyo oo ay kala saxiixdeen labadii Marxuum ee Janaraal Maxamed Faarax Caydiid iyo Kornayl Cab-dullaahi Yuusuf Axmed, Madaxweynihii hore ee dowladdii Kumeel gaarka ahayd ee Soomaaliya.

Nimankaas oo ahaa rag ciidan oo aad isu yaqaan-nay, labaduba ahaa niman ku hanweynaa xukunka Soomaaliya ayaa waxa ay isku afargarteen in uusan hankoodu u suuraga-leynin haddii aysan salka dhulka la helin, labaduna waxa ay kasoo jeedeen Gaalkacyo.Janaraal Caydiid waxa uu rabay Gaalkacyo isaga oo aanan welwel ka qabin oo ay dadkiisu u nabad u qabaan in uu xoogga saaro sidii uu Koonfurta Soomaaliya uga talin lahaa marka hore. Sidaas ayuu heshiiska Gaalkacyo muhiimad gaar ah ugu la-haa. Dhanka kale Kornayl Cabdullaahi oo ahaa nin hanweyn, isana waxa uu doonayay in Gaalkacyo ay nabad u noqoto si uu u helo awood uu Bari oo dhan uga taliyo si uu ta dowladda dhexe ugu soo jeesto. Waxay wareegtaba Janaraal Caydiid intuu raadinayay hankii uu lahaa ayuu ku dhintay, halka Kornayl Cabdullaa-hi uu Bari oo dhan xoog ku maquuniyay isaga oo reer Gaalkacyo taageero ka helaya oo uu ku noq-day Madaxweynihii ugu horreeyay ee Puntland, keddibna uga gudbay inuu noqdo Madaxweyna-ha Dowladda Federaalka Kumeel Gaarka ah ee Soomaaliya.Si kastaba ha ahaatee, haatan waxaa muuqata in fitnadii Federaalka oo huwan shaar qabiil ay magac dowlad-goboleed dagaal hor leh uga dhalisay Gaalkacyo.

Dad dhowr iyo labaatan sano aan barakicin ayaa dagaalkan ku barakacay. Dhanka kale, waxaa dadka arrimahan sida dhow ula socda ay noo sheegeen in heshiiska Gaalkacyo lagu gaaray horraantii bishan Dise-embar uusan ahayn mid ka turjumaya baahiyaha reer Gaalkacyo ay u qabaan in la baabi’yo xuduud beenaadka dhex yaalla magaalada iyo in xal waara laga gaaro kala qoqobnaanta rubuc qarni jirsatay ee magaalada ka jirta. Maxaa huriyay Colaadda?Khubarrada qaar ayaa rumeysan in hanka horornimada ah ee guud ahaan ay ku sifoobeen dadka kasoo jeeda Mudug dhinacyadeeda kala duwan, gaar ahaan Gaalkacyo ay fitnadooda saameysay Soomaaliya oo idil, maxaa yeelay saameynta ay dadka kasoo jeeda Gaalkacyo ku leeyihiin Koonfurta Soomaaliya inteeda kale ayaa ah mid aan la dafiri karin oo ah xaqiiqa jirta. Geeska ugu dambeeya ee Raaskambooni iyo Raas Xaafuun, muran kasta oo siyaasadeed oo ka taagan safka hore ayay uga jiraan beelaha Gaalkacyo kasoo jeeda.Hase yeeshe, arrinta ugubka ah ayaa waxa ay tahay Galmudug oo mardhaw la dhisay oo dooneysa in ay muuji-so iyo Puntland oo isu aragta in ay dhashay dowladda Federaalka ah iyo dastuurkeedaba, oo qabkaas uu ku jiro ayaa waxa lagu laray xudduu-dihii Federaalka. Sidaas darteed ayay mar qura colaad lama filaan ah ka qaraxday.

Heshiiska Cusub?

Dadka u kuurgala siyaasadda Soomaaliya qaar ayaa u arka heshiiska la saxiixay uu u muuqdo arrin dhiig joojin ah oo kaliya. Sababta ayaa ah in aan wali la taaban halka suntu kasoo butaaceyso oo haddii aan la daweyn aysan Mudug iyo Koon-furta oo idil toona aysan nabad waarta ku naalloo-neyn. Taasoo ah sida ay khubarradu qabto fitnada Federaalka ee xuduudo beenaadka iyo qabka iyo hanka reer Mudug ee aan xadka lahayn oo u baahan in la yareeyo. Waxaa intaa dheer faragelinta dowlaha shisheeye ee isku hurinaya dadka isku deegaanka ah ee walaalaha ah, iyada oo loogu gabbanayo dowlad goboleed iyo xuduudo federaal oo been abuur ah. Ujeeddada ugu weyn ayaa ah in aysan Soomaa-liya helin xasillooni, iyada oo cadowgu uu ka dhigtay Gaalkacyo xud-dunta colaadaha Soomaa-liya . Maxaa yeelay saam-eynta ay reer Gaalkacyo Soomaaliya, colaad iyo nabadba, ay ku yeesheen ma jirto magaalo lala simi karo, waana xaqiiqo aan indhaha laga qarsan karin.

Maxaa xal ah?

Waxaa xal u noqon kara in fitnada Federaalka la joojiyo, reer Gaalkacyo hankooda iyo qabkoodana ay dhimaan, Soomaalida kalena ay ku dedaasho in la xalliyo dhibaatada Gaalkacyo oo awoodaha oo dhan la isugu geeyo, maxaa yeelay la’aanteed Soomaaliya nabad ma gaari karto.Waxaa kaloo xalka ka mid noqon kara si kumeel gaar ah in awoodda Gaalkacyo qabaa’ilka dega ee Puntland iyo Gal-mudug la kala baxay in ay ka tanaasulaan maga-cyadaas oo ay ku joogaan qaab awood qeybsi ah oo dhexdooda ah.Waxaa kale oo xal noqon kara in si kumeel gaar ah Puntland iyo Galmudug ahaan ay ugu heshiiyaan in ay magaa-lada wada maamulaan oo ciidan booliis ah oo isku dhaf ah amnigeed ay la wareegaan inta xal waara laga gaarayo.Ugu dambeyntii heshiis-ka Gaalkacyo lagu gaaray waxa uu u muuqdaa dhiig joojin oo kaliya, mana ka dhex muuqato wax damaanad ah inaan dagaalku mar kale qarxin, waayo colaad qotodheer oo gaamurtay ayaa labada dhinac ka dhex guuxeysa.