Fitnadii Federaalka oo Sii Faafeysa

Qofkasta oo wax akhriya, waxna qora, waxna fahmi kara oo garaad leh waxa uu ku jahwareerayaa maamuul goboleedyada iyo sharciga Federaalka ah ee ay ku dhisanyihiin.

Waxaas oo dhan markii la isku soo hooriyo, waxaa soo baxaya in ay lamid tahay gabar aan dhalan oo inta la mehriyay laga sugaayo in ay ilmo dhasho.

Sababtuna waxa ay tahay, shuruucdii Federaalka ee dowlad goboleedyada lagu dhisi lahaa iyo guddigii xuduudaha iyada oo aan Barlamaanka laga ansixin, Madaxweynuhuna saxiixin ayay inta dowlad goboleed ee magacyada la baxay waxa ay sheegteen in ay yihiin Dowlad Goboleed Federaalka ka tirsan. Waxaase kasii darnaa, markii ay dowladdu dhexe tiri waan aqoonsannay maamulladaas. Halkaas waxaa ka cad in Dowladda lafteedu ay wax sharci aan ku dhisneyn sharciyeynayso.

Dhibka kale ee jira ayaa waxa uu yahay, marka la eego Dastuurka Federaalka, in markii horeba loo dajiyay in lagu abuuro jahwareer Soomaalida dhexdeeda ah si aan loo helin xasillooni siyaasadeed. Federaal Qabiilka hadda la dhaqangelinaayo waxa uu u adeegayaa oo kaliya, haddii aad akhriso, danaha Itoobiya iyo inta waddadeeda oo kale haysa.

Waxaase la yaab leh oo waxaas oo dhan ka daran in raggii Xukuumadda dhexe ee Federaalka loo doortay in ay hirgeliyaan in laf ahaantoodii jahwareer ku dhacay. Waxaana la isweydiinayaa, fayruska galay oo hoowlgabka ka dhigay halka uu uga yimid.

Sidaasi darteed la yaab maleh in maamul kasta oo xanaaqa uu ku hadaaqo waxa uu doono, isaga oo hadalkiisa kusoo hooriya aqoonsiga ayaan kala noqday dowladda dhexe.

Sow ma haboona in ay Soomaali isweydiiso wixii garaad lihi in waddo qarda jeex ah lagu socdo, wax gacanta Soomaali ugu jirana aysan lahayn, dowlad dhexe iyo mid gobol toona?

Maxaa hortaagan in wixii garasho ku hartay oo Soomaali ah in ay naftooda run u sheegaan oo dalkan sidii looga arrinsan lahaa mustaqbalkiisa laga wada tashado?