Fowsiyo Yuusuf Xaji Aadan iyo 2 xildhibaan kale oo lagu doortay Muqdisho

377

Doorashada Aqalka Hoose ee xubnaha matalaya deegaanada Soomaaliland ayaa maanta markale dib uga bilaabatay magaalada Muqdisho.

Waxaa maanta la doortay ilaa iyo 3 xildhibaan oo ay ka mid tahay wasiirkii bore ee arrimaha dibadda ee Soomaaliya

Wasiirkii hore ee arimaha dibadda Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan, ayaa ku guuleysatay doorashada kursiga koowaad ee beesha Garxajis -Isaaq ee golaha shacabka, waxaana ay ka guuleysatay seddex musharax oo la tartameysay.

Fowsiyo Yuusuf, ayaa heshay 45 cod, waxaana natiijada guusheeda ku dhawaaqay guddiga doorashada xildhibaanada aqalka hoose ee gobolada waqooyi.

Muuse Siciid jaamac, ayaa 48 cod kaga guuleystay Faadumo Cumar Nuur oo heshay 2cod.

C/fitaax Ismaaciil Daahir, oo helay 46 cod ayaa ka guuleystay Ridwaan Xirsi Maxamed,Shukri Faarax Cilmi iyo Baarliin Xasan Qalinle.