G.Gobalka Banaadir oo la kulmay ehelada dad ay shalay Muqdisho ku dhibaateen Amisom

166
Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed & G. D Hodan oo ay la fadhiyaan ehelada dad ay AMISOM dhibaateeyeen. Arbaco 27/09/ 2017
Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed & G. D Hodan oo ay la fadhiyaan ehelada dad ay AMISOM dhibaateeyeen. Arbaco 27/09/ 2017

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdishouqdisho Thaabit Cabdi Maxamed, oo uu wehliyo Guddoomiyaha Degmadda Hodan Maxamed Axmed Cantoobo, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay  Muwaadiniin Soomaaliyeed oo dhib ay u geeysteen gaadiidka Ciidamada AMISOM, xilli ay marayeen Wadamada KM4 ee Magaalada  Muqdisho.

Thaabit Cabdi Maxamed Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ayaa sheegay in ay wada hadleen Madaxda ugu sarreeysa Ciidamada AMISOM, dhibka ay geeysteenna uu kala hadlay, isagoo tilmaamay in sida ugu dhaqsiyaha badan cadaalad ay ku heli doonaan dhibaneyaasha.

“Waxaan la kulmay muwaadiniintii ay dhibka u geysteen ciidamada Amisom, Alxamdulilah way nabad qabaan, cadaaladna way helidoonaan dhawaan” Guddoomiye Thaabit ayaa sidaasi Bartiisa Twitterka ku daabacay.