Gaadiid-layda Muqdisho oo shaqo joojin sameeyay

392

Wadayaasha Gaadiidka Dadwaynaha iyo wadayaasha Mootooyinka Bajaaj-ka ayaa  maanta waxa ay Banaanbax ka wadaan Magaalada Muqdisho.

Goobaha Xiran oo banaanbaxu ka dhacay  waxaa ka mid ah Isgooska Sanca, Fagax, Towfiiq, Siinaay iyo Afarta Jardiino.

Dadka Banaanbaxa dhigayay ayaa ka cabanaya Lacago dowladda soomaaliya iyo Maamulka Konfur galbeed uga kala qaadaan Muqdisho iyo wadada xariirisa Degmada afgooye iyo Caasimada soomaaliya ee Muqdisho.

sidoo kale waxaa ay  ka cabanayeen Shirkadda Caymiska Qaabilsan ee Takaful ee ka howlgasha Magaalada Muqdisho.

Dhamaan Is goosyada xiran Ma jirin maanta  wax adeeg ah oo ka jiray oo ku aadan dhanka isu socodka Gaadiidka.

Halkan ka dhagayso codka banaan-baxayaasha