Gaalkacyo oo xiisaddeeda wadahadal laga gelayo

224

Ra’iisulwasaare-CabdiweliRa’iisulwasaaraha dawladda dhexe ee Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa ugu baaqay masuuliyiinta Puntland iyo Galmudug inay wadahadal ka gelaan dhammaan khilaafaadka dhinaca duulimaadyada diyaaradaha ee garoomada magaalada Gaalkacyo, sidoo kalena ay ka fogaadaan wax kastoo dhaawacaya nabadda iyo wada noolaashada reer Mudug. Isaga oo guddi wasiiro ahna u xilsaaray inay si degdeg ah uga hawlgalaan soo afjaridda murankaasi, wuxuuna guddigaasi uu xiriir la samaynayaa madaxda labadaasi maammul.

Dhinaca kale, ra’iisulwasaaruhu wuxuu kaloo sheegay in uu xiriir toos ah la sameeyey madaxda sare ee Puntland iyo Galmudug si qoto dheerna uga wada hadleen arrimaha keenay khilaafka kaddibna wuxuu soo saaray baaq nabaddeed oo ka kooban shan qodob kuwaasoo kala ah sidatan:

1.Xukuumadda Soomaaliya waxay ugu baaqaysaa Puntland iyo Galmudug inay joojiyaan wax kastoo keeni kara xiisad colaadeed;
2.In shuruud la’aan la fasaxo dhammaan adeegyada duulimaadyada ee gobolkaasi;
3.In dhakhso loo bilaabo wadahadal lagu dhammaynayo khilaafka garoomada;
4.Xukuumaddu waxay ballanqaadaysaa inay fududeyso qabsoomidda wadahadalka iyo dhamaystirka khilaafka labada dhinac;
5.Xukuumaddu waxay u dirtay labada maammul guddi khuburo ah oo kala shaqeeya arrimaha farsamo ee duulimaadyada.