GAARI WALXA QARXA LAGA BUUXIYAY OO KU QARXAY ILINKA HORE XARUNTA BOOLISKA BANGAANI(NAIROBI, KENYA)

330

qarax-pangani_1Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa xalay fiidkii ku qarxay afaafka hore ee Saldhiga Booliska Pangani ee xaafada Islii magaalada Nairobi, iyadoo warar kala duwan uu ka soo baxayo.

Gaari qarxay ayaa la sheegay in ciidamada booliska ay soo qabteen, iyadoo loo waday saldhiga, si baaritaan loogu sameeyo, hase ahaatee intii loo sii waday ayaa gaariga mar kaliya uu qarxay.

Ilaa afar ruux oo labo ka mid ah ay ahaayeen Boolis ayaa ku dhintay qaraxan, waxaana qaraxaas kadib ciidamada booliska Kenya ay bilaabeen howl galo ay ka sameynayeen xaafada Islii ee ay Soomaalida degto, halkaasoo dad fara badan lagu soo qab qabtay.

Taliyaha Booliska Kenya David Kimaiyo oo booqday goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa xaqiijiyay geerida afar ruux oo labo ka mid ah ay ahaayeen Boolis.

Qaraxan oo ahaa mid aad u xoogan ayaa ka duwanaa qaraxyadii horay uga dhici jiray magaalada Nairobi, waxaana bur burka gaariga uu ahaa mid aad u saameeyay wadada dhinaceeda iyo agagaarka Saldhiga Booliska Pangani.

Qaraxan ayaa ku soo aadaya, iyadoo si aad ah loo adkeeyay ammaanka Kenya, isla markaana Booliska ay wadeen todobaadyadii u dambeeyay wadeen howl galo lagu soo qab qabtay dad fara badan oo Soomaali ah, oo soo galooti sharci daro ah.

www.xaqiiqa.com