Gabar 17 jir ah oo ka yaabsatey dowlada ingriiska maxay tahay sababtu

238

photoFahma Maxamed waa gabar Soomaaliyeed oo 17 jir ah, waxay ku nooshahay dalka Britain, waxay hogaaminaysaa oo ay hor kacaysaa ola-ole ka dhan ah gudniinka fircooniga.Waxay baaq u dirtay xoghayaha wax barashada dalka Britain ninka lagu magacaabo Michael Gove. Waxay sheegtay in gabdho badan ay khatar ku jiraan ayna arrintaan u baahantahay in laga hor tago.

Qaar ka mid waalidiin Soomaaliyeed ee ku nool UK ayaa marka caruurtooda iskuulka loo xiro waxay u kaxeeyaan wadamada carabta iyo geeska Africa si ay usoo gudaan, arintaas ayeyna Fahma go’aansatay in ay ka hortagto, kuna booriso dowlada ingiriisku in ay il gooni ah ku fiiriso tacadiga lagula kaco hablaha xubnahooda muhiimka ah la jarayo