Gabdho Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Canada

533

Wararka laga helayo dalka Canada ayaa sheegaya  in meydka labo gabdhood oo Soomaali ah laga helay Magaalada Ottowa  ee dalkaasi Canada .

Ciidanka Booliska ayaa sheegay in labadaan Gabdhood ay ahaayeen walaalo  lagana  helay Meydkooda Gurigii ay ka deganayeen Magaalada Ottawa.

Kooxo hubeysan ayaa gurigooda ku dilay ka dibna Meydkooda ayay qariyeen  sida uu sheegay Sarkaal Sare oo ka tirsan Booliska dalka Canada.

Gabdhaha Meydkooda la helay ayaa lagu kala Magacabay Nasiibo Cabdiraxmaan, iyo Asmo Cabdiraxmaan, waxaa da’dooda lagu kala sheegay 23-Sano jir iyo 32 Sano jir.

Waxaa jira baaritaano ay wadaan Booliska magaalada Attowa, kuwaasi oo lagu ogaanayo sababta loo dilay laban gabdhood.