Gal-Mudug Mise Gal-Nus-Mudug?

497

Barlamaanka Maamul-Goboleedka Galmudug wuxuu isbeddel ku sameeyay mid ka mid ah qodobbada tiirarka u ahaa maamulkan cusub ee Cadaado lagu yagleelay. Qodobakan oo qeexayay xudduudaha Galmudug ayaa keenay in maamulka Puntland uu diidmo ka muujiyo, maadaama dastuurka Cadaado lagu ansixiyay uu dhigayay in xudduuda Galmudug iyo Puntland kala qeybisa ay tahay gobolka Nugaal. Sidoo kale Madaxweynaha maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa ka baaqsaday inuu ka qeyb galo xafaladdii caleemo-saarka madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.

Go’aankan oo sida muuqata ka dhashay cadaadis caalami ah oo dhinacyo badan uga yimid dowladda federaalka ah oo markii horeba hadallo isburinaya ka sheegtay Cadaado iyo Garoowe oo uu Madaxweynaha booqasho ku tagay ayaa ka dhigaya jiritaanka Galmudug mid aan dastruuka waafaqsaneyn maadaama gobol iyo bar kaliya lagu soo koobay.

Cadaadiska bannaanka ka yimid waxaa xoojiyay markii ay Puntland marar badan caddeysay in aysan aqoonsanayn maamulka Mudug iyo Galguduud ee Cadaado lagu dhisay. Wax ka beddelidda dastuurka maamulkan sow saameyn ku yeelan maayo magaca Galmudug oo haatan u muuqda Gal-Nus-Mudug?

Dhanka kale, Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa war-saxaafadeed xafiiskiisa ka soo baxay ku sheegay in uu soo dhaweynayo tallaabada uu qaaday maamulka Galmudug si jawi deggenaan iyo isfaham ah looga dhex abuuro labada maamul-goboleed.

“Ujeeddada laga leeyahay dhismaha dowlad-goboleedyada waa baahinta xukunka iyo in la fududeeyo helista adeegyada bulshada, waana soo dhoweynayaa tallaabo kasta oo ujeedkaasi sidii lagu gaari lahaa dhiirigelinaysa. Haddii ay jiraan tabashooyin maamullada dhexdooda ah, waxaa mar walba inoo furan wadahadal iyo in la raadiyo xal nabadeed, arrimahaas ayaana dan u ah shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Madaxweynaha.

Inkasta oo hadalka madaxweynaha uu yahay mid dhiirrigelinaya isfaham iyo wada shaqeyn dhex marta Puntland iyo Galmudug, haddana waxaa muuqata in uusan dhib weyn u arkin jabinta dastuurkii isaga lagu doortay oo dhigaya in labo gobol ka yar aan maamul goboleed loo aqoonsan karin.

Guddoomiyaha Barlamaanka Galmudug, Cali Gacal Casir oo warbaahinta wareysi siiyay ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya iyo beesha caalamka ay u sheegeen in ay isbeddel ku sameeyaan qodobkaas. Wuxuu intaas raaciyay in sababaha ay isbedelka u sameynayaan ay tahay in Puntland oo cabasho tabaneysay la qanciyo, beddelkeedana ay aqoonsi buuxa ka helaan.

Maamulka Galgaduud iyo Mudug nuskeed ah wuxuu dhiirrigelinayaa in Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe uu mid walba gooni u istaago maadaama shuruucdii dhismaha maamul goboleedyada la jabiyay, waliba ay xukuumaddii howshan loo igmaday iyo madaxtooyadaba ku qanacsan yihiin dhismaha maamullo ka yar labo gobol.

Maamul-goboleedka Puntland ayaan wali wax war ah kasoo saarin isbeddelka ku yimid Galmudug, balse waxaa la filayaa in maalmaha soo socda ay war ka soo saaraan mar haddii qodobkii ay cabashada ka muujiyeen laga saaray dastuurka maamulka Galmudug.