Galmudug: Aabbaha Federaalka

428

GalmudugAfartii Luulyo, Gobollada dhexe waxay u ahayd maalin beddeshay dhaqankii lagu yaqaannay dadka gobolladaas dega oo lagu tilmaamo gar-maqaatayaal sabab u ahaa dhibaatadii iyo dagaalladii dalka ka dhacayay 25-kii sano ee la soo dhaafay.

Muddo saddex bil gudaheed ah ayaa waxaa lagu qabtay shir dib-u-heshiisiineed oo u dhaxeeya dadka Gobollada dhexe dega, kaas oo ay ka qeybgaleen ergooyin beelaha laga soo xulay, kuwaas oo iyaguna soo xulay xildhibaanno 89 xubin ka kooban oo doortay guddoomiye baarlamaan, ku-xigeennadiisa, madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen. Iminka waxaa laga war sugayaa dhameystirka hay’adaha maamulka gobolladaas. Qormadaan waxaan ku eegayaa waxyaabaha ugu waaweyn ee laga bartay ama ka dhashay dhismaha maamulka Galmudug.

Muhiimadda dhismaha Galmudug uu u leeyahay doorashada 2016

Ka sokow filashada dadka reer Galmudug ee ah in mar uun uu maamul wax la qeybsada federaalka ka askunmo deegaannadooda, waxaa jira waxyaabo kale oo Galmudug siiyay muhiimmad ka badan tii ay mudneyd oo ay ugu horreyso dhameystirka federaaleynta dalka iyo hiigsiga 2016 oo ay gadaal ka riixayaan waddamada daneeya arrimaha Soomaaliya, iyo dadaalka kooxda talada dalka heysa oo is tusay in doorasho la soo gaabiyay (doorasho yareey) oo u dhow doorashadii 2012 ee Madaxweyne Xasan Sheekh lagu soo doortay la qaban doono sanadka 2016 oo ay mar kale ergo wax soo doortaan.

Qorshahaan oo aan la ogeyn sida uu ku hirgalayo ayaa waxa uu ku dhisan yahay in dowlad-goboleedyadu ay soo xuli doonaan ergada wax dooran doonta iyagoo ku saleyn doona qabaa’ilka deegaannadooda deggan, waana arrinta muhiimka ka dhigtay in lagu dagaallamo Galmudug oo noqday maamulkii ugu horreeyay ee taageera ka helay madaxtooyada xilligii uu dhismayay.

Haddii ayba dhacdo doorashada la soo gaabiyay, waxaa la filayaa in maamullada Jubba iyo Puntland ay yeelan doonaan murashaxiin aan ahayn kuwa iminka Villa Soomaaliya jooga, halka maamullada Galmudug, Hiiraan/Shabeellaha dhexe iyo Banaadir ay madaxtooyada raacsanaan doonaan, markaasna uu maamulka Koonfur-galbeed noqon doono kala saaraha labada koox, walow aan la ogeyn mowqifka madaxda maamulkaas ee doorasahda 2016. Waxaa la dhihi karaa in kooxda Villa Soomaaliya ama xisbigii PDP ay ilaa iyo hadda loollanka ku guuleyteen 20 boqolkiiba federaalka, isla tiradaasna ay ka heli doonaan haddii ay dhacdo nooca doorshada ay dowladdu doorbideyso oo la shaacin doono horraanta Agoosto.

Baroorta Puntland maxaa ka run ah?

Iinta ugu weyn ee diideysa sharci ahaanshaha Galmudug ee la isla oggol yahay waa in maamul loo dhisay hal gobol iyo bar, waana arrin si cad uga hor imaanaysa dastuurka kumeel gaarka ah ee dalka, sababtana waxaa lagu tilmaami karaa in aan marnaba la ixtiraamin kala horreynta howsha dhismaha dowlad-goboleedyada oo ay ahayd in laga soo hormariyo guddiga xudduudaha, taas ayaana qaladka ugu weyn laga dhaxlay, waana arrin hadal badan gelin karta sharci ahaanshaha Galmudug, balse qeylada Puntland ka soo yeertay ee lagu diiddan yahay Galmdug waxay leedahay sababo kale, oo ka geddisan sharciyada ay dowlad-goboleedyadu ku dhismeen.

Dekedda Hobyo:

Muddadii doorshada madaxtinnimada iyo maalmo ka dambeeyay oo aan Cadaado ku sugnaa, waxaan garwaaqsaday in mowqifka Puntland ee MAYA-da ah uu leeyahay fogaan dhaqaale oo ka badan inta uu leeyahay fogaanno siyaasadeed ama qabiil.

Puntland waxay ku naallooneysay degganaansho muddo dheer marka la barbardhigo koonfurta kale ee Soomaaliya, waana arrinta sababta u noqotay in gobollada Mudug, Galgaduud, Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ay magan u noqdaan badeecadda ka soo degta dekedda Boosaaso, isla markaana xoolaha ka dhoofa koonfurta oo dhan iyo qeybo Itoobiya ka tirsan laga dhoofiyo Boosaaso oo udub dhexaad u noqotay dhaqaalaha Puntland.

Sidaas darteed dekkedda Hobyo ee dhameystirkeeda laga dhowrayo Galmudug, waxay qeyb weyn kala wareegi doontaa suuqa dekedda Boosaaso ay heysatay muddo 20 sano ka badan.

Hooyada Federaalka:

Walow maamulka Puntland uu ka mid ahaa u ololeeyayaashii nidaamka Federaalka ee 2004 ee shirkii Mpagathi, haddana waxaa muuqata in uusan go’aansan in ay kasoo barbar baxaan dowlad-goboleedyo kale oo heysta sharciyada federaalka, una dhigma Puntland. Soo barbar fariisashada Jubba, Koonfur-galbeed, Galmudug iyo Hiiraan/Shabeellaha dhexe oo ku dhowaad 20 sano ka yar Puntland, wali ma aqbalin maamulka Puntland oo muddo dheer sidii dowlad kale ula xisaabtamayay dowladda dhexe ee federaalka ah.

Waxaa muuqata baahi ah in shirka ugu horreeyay ee dowlad-goboleedyada laga dhaadhiciyo Puntland in da’da ama waqtiga dheer oo ay dowlad-gobleedka ahayd uusan wax tixgelin ah ku lahayn nidaamka dowladnimo ee federaalka ah oo ay kursi la eg kan Galmudug ku fariisan doonaan oo ay kaliya tahay waxa la tixgelin doono tirada dadka ku nool deegaannada ay maamullada ka taliyaan iyo dhaqaalaha ay soo saaraan.

Taasna ay meesha ka saari doonto ereyga ah “Hooyada Federaalka” arrinkuna uu u muuqan doono, haddii ay da’da Puntland ku hesho naaneysta “Hooyo”, Galmudugna waqtiga yar ee ay ku hirgelisay himilada maamul ayay ku muteysan doontaa “Aabbaha Federaalka”.

PDP VS DALJIR:

Walow labadii koox ama xisbi ee loollanka doorashada uu dhex maray ay ka soo jeedaan asal ahaan dhaqdhaqaayada islaamiga ah oo marka dhankaas laga eego ay isugu yeerayeen “Damjadiid” iyo “Aala-Sheekh”, haddana waxay isku arkayeen labo xisbi oo ku loollamaya doorasho (PDP iyo Daljir), taas ayaa meesha ka saartay ama yareysay adeegsiga qabiilka oo Gobollada dhexe ka ahaa diinta labaad, waana arrin sabab u noqotay guusha iyo wanaagga ay doorashadu ku dhacday.

Saddex maalin kaddib ayaan ka soo safray Cadaado, waxaan garoonka diyaaradaha ku arkay labo koox oo dhallinyaro u badnaa, mid walbana ay gooni isku abaabushay oo ay diyaarad gaar ah sugeyso, oo haba yaraatee aysan jirin wax is dhexgal ah, markii aan aad ugu sii fiirsadayna waxaan ogaaday in arrinku uu ku dhisan yahay is xisbiyeysi oo aad mooddo in si uun looga fogaaday qabiilka.

Inkastoo urur diimeedyada ay dhibaatooyin inoo keeneen haddana waxaa la dhihi karaa waxay daawo u yihiin ka fogaanshaha qabyaaladda, haddii ay xisbiyo isku rogaan waxna ka beddelaan aragtidooda siyaasadeed, waxaan is leeyahay waa la mahdin doonaa.

Dhallinyarada:

Dhismaha maamulka Galmudug marka dhanka dowladda federaalka ah laga eego wuxuu ahaa maamulkii ugu adkaa, uguna waqti gaabnaa, wuxuuna ahaa maamulka kaliya ee dowladda federaalka ah ay si toos ah gacanta ugu heysay- walow uu arrinkaasna dhaliishiisa leeyahay. Waxaa Cadaado la fadhiyay muddo ka badan 80 maalin oo aan loo kala kicin, waxaa la xalliyay aanooyin qabaa’ilka ka dhaxeeyay, waxaa la qeybsaday ergadii iyo xildhibaannadii, kaddibna doorasho ayaa dhacday.

Dowladda federaalka ah oo ujeeddooyin badan ka lahayd askunka maamulkan waxay u xilsaartay tiro wasiirro ah oo dhallinyaro ah sida wasiirka arrimaha gudaha, qorsheynta, iyo wasiiru-dowlaha madaxtooyada, waxaana la aaminsan yahay in howsha qabsoontay sababteeda ay leedahay awoodda dhalliyaranimada oo saacado badan u dulqaatay wax ka dhaadhicinta odayaasha ugu gar-yaqaansan Soomaaliya.

W.Q: Cali-Nuur Salaad