Galmudug oo war kasoo saartay xaaladda Bani’aadanimo ee Gaalkacyo

77

war saxaafadeed Arrimaha Bini’aadanimo ee kasoo kordhay Magaalada Gaalkacyo Dowlad Goboleedka Galmudug waxa ay kaxuntahay dhibaatada soo wajahday Bulshada ku nool Gobolka Mudug gaar ahaan Magalada Gaalkacayo oo maal mihii ugu danbeyey barakac ku ahaa daafaha magaalada iyo degmooyinka qaar kood, kadib colaada magaalada Gaalkacyo oo noqotay mid aan dhamaad lahayn kuna keentay in shacab farabadan ka baxaan guryahooda.

Dowlad Goboleedka Galmudug waxay baaq ku aadan ugargaarida shacabka ka barakacay Magalada Galkacayo udiraysaa dhamaan Hay’adaha qaabilsan Arrimaha gargaarka bani’aadanimo in ay gaarsiiyaan gurmad deg deg ah dadkaas dhibaateysan, sababtoo ah barakacayaashaas mahaystaan Hoy, Biyo iyo Cuno toona waxaana maalintii ku dhacaya kuleylka habeenkiina qabowga mana haystaan meel ay kagalaan waxa ayna u baahanyihiin gargaar bani’aadanimo.

Sidoo kale Dowlad Goboleedka Galmudug waxay baaq udiraysaa dhamaan Jaaliyadaha Galmudug meelkasta oo ay joogaan in ay ka qeyb qaataan Gargaarka loo Fidinayo bulshada ka barakacday Colaada Galkacayo .

Ugu danbeyntii Dowlad Goboleedka Galmudug waxa ay ugu baaqeysaa Dowlada Federaalka ee Soomaliya iyo Beesha Caalamka in ay ka qeybqataan sidii gargaar loo gaar siin lahaa dadka maatada ah ee ka barakacay magaalada Gaalkacyo kuwaas oo dhibaao xoogan ku haysata daafaha magaalada iyo qaar kamid ah degmooyinka gobolka mudug. Mahadsanidiin Xafiiska Madaxtooyada Galmudug