Ganacsade Soomaali ah oo lagu dilay K/Afrika

114

Burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa lagu soo waramayaa in magaalada Cape Town ee dalka K/afrika  ay ku dileen muwaadin Soomaaliyeed, kaasi oo halkaasi ganacsi ku lahaa.

Sida ay sheegeen dad ku dhowaa halka dilkan uu ka dhacay, burcaddan ayaa gudaha u galay xarun ganacsi oo uu ku sugnaa muwaadinkan Soomaaliyeed oo lagu magacaabayey Hilaal Xirsi Jaamac, kadibna ay halkaasi ku toogteen.

Raggii dilka ka dambeeyey ayaa goobta isaga baxsaday, iyadoo halkaasi ay gaareen ciidamada Booliiska ee dalkaasi.

Waxaa kordhay dilalka loo geysanayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ganacsiga ku leh dalka K/afrika, iyadoo aanay jirin wax ay arrintaasi ka qabatay dowladda dalkaasi.