Garoowe oo leh soo dhowow ra’iisulwasaare?

170

Garoonka weyn ee MuqdishoWar degdeg ah oo imminka soo dhacay ayaa sheegaya in ra’iisulwasaaraha dawladda dhexe ee Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed iyo wefdi uu hoggaaminayo ay ku wejihan yihiin magaalada Garoowe ee xarunta maammulkaasi Puntland, halkaasoo si weyn looga dareemayo qabanqaabada soo dhoweynta wefdigaasi.

Sida ay Xaqiiqa Times xog ku heshay ra’iisulwasaare Cabdiweli Sheekh Axmed iyo wefdigiisa ayaa tagi doona Garoowe beri oo Jimce ah,waxaana jira guddi heer sare ah oo masuuliyiinta Puntland u sii xilsaareen soo dhoweynta, iyada oo sidoo kalena ay ka qayb qaadanayaan qeybaha kala duwan ee bulshada magaaladaasi.

Waa booqashadii ugu horreysay oo uu ku tago Cabdiweli dawlad gobolleedka waqooyi bari Soomaaliya ee Puntland ilaa iyo markii loo magacaabay ra’iisulwasaaraha dalka.