Garoowe oo ay ka soconayaan wadaxaajoodyo

180

WadaxaajoodRa’iisulwasaaraha dawladda dhexe ee Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa si rasmi ah u furay shirweyne muddo seddex maalmood ah ka socon doona magaalada Garoowe, halkaasoo ay xukuumaddiisu xilligaan wadaxaajood kula gelayso masuuliyiinta maammulkaasi Puntland.

Wadaxaajoodkaasi waxaa labada dhinac uga qeyb gelaya guddiyo wasiiro ah oo ka wada hadlaya dhammaan arrimaha uu muranku ka taagan yahay ee imminka jira wuxuuna ra’iisulwasaaruhu sheegay in shirkaaasi uu gundhig u noqon doono heshiis dhameystiran oo ay la galaan mid ka mid ah dawladdaha ku jira nidaamka federaalka  inkastoo uu yiri Cabdiweli Sheekh Axmed waxay ahayd hawl ku habbooneyd in mar hore  la wejiho.

Dhinaca kale, dawlad gobolleedka waqooyi bari Soomaaliya ee Puntland oo horey dhawr jeer xiriirka ugu jartay dawladda dhexe ayey wadahadaladaasi socda uga dhigan yihiin xal u helidda waxyaabihii keeney khilaafaadka siyaasaddeed iyo ugu danbeyn in laga gaadho heshiis murankaasi.