Gedo: biyihu waa 150,000 oo shilin fuustadii

212

002Ugu yaraan toban qof ayaa gaajo iyo macluul ugu dhintay deeggaano hoostaga gobolka Gedo, iyada oo dadka dhintay badankood ay kasoo wada jeedeen qoysas qura ayaa dhimashadooda loo sababeeyay qiimaha biyaha oo gaaray halkii fuusto 150,000 oo shilin iyo cunno la’aan baahsan.

Dhacdadaasi ayaa ka dhalatay ceelashii biyaha oo guray waxayna taasi horseeday in xoolo dhaqatadu u guuraan gobolladda Jubbada dhexe, Jubbada hoose iyo gobolka Waqooyi Bari ee Kenya. Sidoo kale, abaarta oo markii hore ku dhufatay deeggaano dhaca koofurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa imminka ku sii baaheysa gobollo ay ka mid yihiin Bakool, Hiiran, Galguduud iyo Mudug. Dadka ay saameyska ba’an ku yeelatayna waxay dalbanayaan in lala soo gaaro biyo, cunno iyo daawooyin degdeg ah inta aysan xaaladdooda nololeed ka sii darin, balse hey’addaha samafalka caalamiga ah ayaa sheegaya in aysan u sahlaneyn tagitaanka gobolladdaasi qaarkood si ay u caawiyaan dhibaneyaasha abaartu haysato waxayna lee yihiin waxaa jira jid gooyooyin sharci darro ah oo u yaala Al-shabaab iyo amni xumo gaabis ka dhigeysa hawlaha gargaarka Soomaaliya.

Dhawaan, ciidamadda dawladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa heegan la geliyay si ay uga qayb qaataan gurmadka bani’aadminnimo, waxayse waayeen wax gargaar maangal ah oo ay galbiyaan ciidamaddu sidaasi awgeed ayey xukuumaddu markale ka codsatay Qaramadda Midoobay iyo caalamkaba inay gacan ka geystaan sidii loogu samafali lahaa dadka ay abaartu ku dul degtay.

Bishii la soo dhaafay Qaramadda Midoobay ayaa ka digtay in Soomaaliya ay ka dhacdo macluul aad u baahsan, iyaga oo daraasad ay sameeyeen ku sheegay in qeybo ka mid ah magaalooyinka Muqdisho, Kismaayo, Garoowe iyo kuwo kale ay ka jiraan xaalladdo nafaqo darro, ururada gargaarkuna aysan dabooli karin baahida guud ee barakacayaasha gudaha Soomaaliya ku nool.

Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramadda Midoobay u qaabilsan arrimaha samafalka Soomaaliya, Philippe Lazzarini ayaa ugu baaqay deeqbixiyaasha caalamka inay usoo maciinaan Soomaalida si buu yiri looga hortago in markale ay abaari naafeyso shacabka wuxuuna tilmaamay in macluusha ku sii baahaysa waddanka ay u egtahay mid la mid noqon doonta abaartii 2011-kii haddii lagu guuldarreysto  in wax laga qabto.

“Saddex sanno kaddib abaartii Soomaaliya, waxaanu lee nahay maya yeysan dhicin in la yareysto xasaradda ka dhalan karta,” ayuu yiri Lazzarini.

Dhinaca kale, magaalada Geneva ee xarunta Switzerland war qoraal ah oo ay soo saareen saraakiisha ururka ICRC ayaa lagu sheegay in weli ay jirto fursad wax looga qaban karo musiibo abaareed oo kusii baahda Soomaaliya — hase ahaatee, taasi keliya ay tahay haddii deeqbixiyaashu ay imminka u hawlgalaan gacan ka geysashada jawaabaha cakiran ee gargaarka bani’aadminnimo.

Eric Marclay, oo ah madaxa hey’adda ICRC ee bariga Afrika ayaa yiri inkasta oo xiildheerayaasha hawlaha samafalka ee ku sugan gudaha dalka aysan weli u muuqan astaamo degdeg ah oo muujinaya sida ay abaartu ugu sii baaheyso Soomaaliya haddana ay ka digayaan in xaaladduhu isbadeli karaan haddii gargaarka faraha badan ee loo baahan yahay la waayo.

Goor sii horreysay madaxda urur gobolleedka IGAD ayaa kaga dhawaaqay magaalada Addis Ababa in abaari saameysay toddobo gobol oo ka mid ah Soomaaliya waxayna sheegeen inay diyaar u yihiin wax la qabashada dawladda iyo shacabka si looga hortago suurogelnimada inay dhacdo abaar la mid ah tii sannadkii 2011-kii, taasoo galaafatay nolosha 260,000 oo qof oo kala barkood carruur ahaa.

Abaartaasi, ayaa sabab looga dhigayaa roob la’aan iyo fatahaado baabi’iyey dalagii beeraha oo horseeday cunno yari baahsan iyo qiimaha raashinka oo kor usii kacay.