Gen. Mukhtaar oo faahfaahin ka bixiyay qasaaraha qarixii maanta ka dhacay Muqdisho (Dhagayso)

186

Ku simaha Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya ahna taliye ku xigeenka Ciidanka Jenaraal Muqtaar  Xusen Afrax, ayaa faah faahin ka bixiyay qarixii ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay Dugsiga tababarka ciidanka Booliiska ee Jenaraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

Jenaraal Mukhtaar, ayaa sheegay in qofka isqarixiyay uu Ciidanka soo dhexgalay isaga oo watay dharka ciidanka xili ay ku jireen quraac isla markaana isku diyaarinayeen xuska Aas aaskii Ciidanka Booliiska Soomaaliya oo ku beegan 20, Bishaan December.

Waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in maalmahaan ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ay hayeen howl adag isla markaana ay soo qabteen dad lagu eedeyay falal amnidaro iyo sidoo kale kuwo qaraxyo lagu qabtay arrintii Maanta dhacdayna ay sugayeen.

Qaraxan ismiidaaminta ahaa ayaa mas’uuliyaddiisa waxaa sheegtay dhaqdhaqaaqa al-Shabaab, kuwaasi oo sheegay inay muddo badan weerarkan soo qorshaynayeen.

Waxaa uu imaanayaa qaraxan labo bilood ka dib weerarkii Zoobe, kaasi oo sababay dhimashada Ku dhowaad 500 oo qof.

Hoos ka dhagayso codka General Mukhtaar