Guddiga Doorashooyinka oo ka digay dib u dhaca Xubnaha Aqalka Sare ee Dowlad Goboleeyada

210

Guddiga Doorashooyinka dadban oo galabta shir jaar’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay dib u dhac ku yimid soo gubinta xubnaha musharraxiinta ee ka mid noqonaya Aqalka Sare ee Baarlamaanka soo socda ee ka imanaaya Dowlad Goboleedyadda Soomaaliya.

Afhayeenka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka dadban ee 2016-ka Maxamed Keynaan oo shir jaraa’id saxaafadda u qabtay ayaa waxa uu  sheegay  in Guddigu ka digayo in haddii waqtigii loogu talo galay lagu soo gudbin waayo magacyada musharraxiinta aqalka sare in ay sababi karto in howlahii doorashadu ay ku qabsoomi waayaan waqtigii loo qorsheeyey.

Guddiga ayaa ugu baaqay mas’uuliinta Maamul Gobaleedyada in ay labo maalmood gudahood magacyada musharraxiinta Aqalka Sare ku soo gudbiyaan.

Warar xog ogaal ah oo ay heshay Xaqiiqa Times ayaa sheegaya in maalinta sabtida ah la filayo in ay soo gudbiyaan Dowladd Goboleedyada  magacayada Musharraxiinta Aqalka Sare ee ka mid noqonaya Baarlamaanka soo socda.

Wararka ayaa sheegaya in Maamuladda Puntland iyo Jubbaland in haatan uu diyaar ka yahay magacyada musharraxiinta Xubnaha  Aqalka Sare halka , Maamulka Galmudug iyagana laga soo xigtay in ay musharraxiinta magacyadooda uu diyaar ka noqon doono 6-da bisha Octoobar.

Fadlan lifaaqa hoose kala deg War-saxaafadeedka Guddiga ay soo saareen.

war-saxaafadeedka Guddiga Doorashooyinka Dadban

Xaqiiqa Times