Go’aanada shirka IGAD oo lagu taageeray kala qeybinta Soomaaliya

221

Ururka IGAD ayaa waxaa uu soo dhaweeyay howlgalada ka dhanka ah ururka Al-shabaab ee hada kasocdo qeyba ka mid ah koonfurta Soomaaliya, sida Gobalka Galgaduud, Hiiraan, Bay iyo Bakool, Gedo iyo Shabeelada hoose weerarkaas oo ay hormuud ka yihiin ciidamada Amisom iyo kuwa Etoopiya iyo ciidaamada Soomaaliya.
Waxaa sidoo kale lagu xusay baaq loo jeediyay Dowladaha beesha caalamka oo looga codsanayo in ay taageeraan howlgalada Soomaaliya ka socda isla markaana gacan siiyaan dhismaha Dowlad gobaleedyada ee kasocda Gobala kala gadisan ee koonfurta Soomaaliya.
Soomaaliya ayaa waxaa uga qeybgalay shirkaan madaxda IGAD ee kadhacay Adis Ababa Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Abdiwali Sheikh Ahmed oo ah markii ugu horeysay tan iyo markii la magacaabay uu ka qeybgalo shir nuuaan oo kale ah iyada oo xiliyadii hore uu madaxweynaha Soomaaliya ka qeybgali jiray,
Dadka indha indheeya arimaha soomaaliya iyo xaaladaha kasocda ayaa waxey la yaa abanyihiin sababta madaxweynihii iyo ra’iisal wasaaraha Dalka uga maqanyihiin iyada oo xaalad adag dalku kusuganyahay ayna ka socdaan dagaalo balaaran iyo amni daro baahsan oo ka jirto caasimada Muqdisho.
Horey ayaa Ergeyga gaarka ah ee qaramada midoobey ee Soomaaliya neclos key waxaa uu xaalada adag ee soomaaliya uga warbixiyay qaramada midoobay isaga oo sheegay in aysan u suurta galeen xiligaan in uu kabaxo Soomaaliya xaalado colaad iyo amni daro darteed ee ka jirto, waxaase layaab leh oo dadka Soomaaliyeed is weydiinayaan sababta ay madaxda Soomalayeed ugaran waayeen waxa uu gartay ergayga qaramada midoobe ee soomaaliya.
Waxaa kaloo la isweydiinayaa oo nasiib daro ah kala qeybinta iyo isku dirida Soomaaliya oo xabashidu wado iyada oo u isticmaaleyso waxa loogu yeero dhismaha maamul goboleedyada oo aan waa faqsaneen Dastuurka Federaalka ee qabyada ah, loona adeegsanayo magaca IGAD oo xabashidu ku adeegato danaheedana ku fushato sababta uu uga qeyb galay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya shir natiijadiisii ay noqotay qodabo lagu taageerayo kala qeybinta iyo isku dirka Soomaaliya.
www.xaqiiqa.com