Gobannimo Mise Gunnimo: Xornimada Soomaaliya 55 sano kadib

412

Soomaaliya ayaa u dabbaal-dagaysa 55 sano guuradii ka soo wareegtay markii ay xornimada qaadatay. 26-ka Juun ayaa Calankii ugu horreeyay laga taagay magaalada Hargeysa oo xor ah sanadkii 1960-kii. Iyadoo 1-dii Luulyo ee isla sanadkaasna laga taagay xarunta aqalka Dowladda Hoose ee Muqdisho calanka buluugga ah ee ay ku astaysan tahay xiddigta shan gees leh. Waxay ahayd markii ay midoobeen gobollada koonfur iyo waqooyi ee Soomaaliya, isla markaasna dhidibbada loo taagay Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Habeenkaas waa loo dabbaal-dagay, waa loo ciyaaray, waana loo mashxaraday, iyadoo nooc kasta oo suugaan ahna lagu amaanay madax-bannaanida Soomaaliya. Dadkii waqtigaas joogay farxad weyn ayay muujiyeen, waxayna rajaynayeen in nolol raaxo leh iyo horumar ay u horseedi doonto dowladnimada u curatay. Waxay dowladnimada heer soo martaba oo dhibaato iyo murugo intaba leh ayaa maanta waxaa la xusayaa Koowda Luulyo iyadoo gobolladii waqooyiga ee Soomaaliya ee koonfurta la midoobay calankii ugu horreeyayna laga taagay 26-kii Juun 1960-kii, ay ku dhawaaqeen in Soomaaliya inteeda kale ay ka go’een oo xitaa ilaa haddana lagu guulaysan la’yahay waddaxaajood rasmi ah in laga yeesho sidii loo midoobi lahaa ama loo kala go’ lahaa.

Waxaa caasimadda Qaranka Soomaaliya laga xusayaa Koowda Luulyo, iyadoo Muqdisho labo jid oo kaliya la dayactiray oo si habsami leh ay u shaqeeyaan, kuwaas oo kala ah Waddada Makka Al-Mukarama iyo jidka Dekedda Muqdisho, kuwaas oo walaalaha Turkiga ay dib u dhiseen, hase yeeshee ay yihiin inta badan kuwa u xiran dowladda federaalka ah amni-darro awgeed. Waxaa kaloo maanta 55-guuradii xornimada Soomaaliya la xusayaa iyadoo maamulka Koonfur-galbeed oo ay hoos yimaadaan gobollada Baay, Bakool iyo Shabeellaha hoose uu ku dhawaaqay inuu yahay dowlad-goboleed ay amnigiisa ilaaliyaan ciidamada Itoobiya iyo ciidamo kale oo wata magaca howlgalka AMISOM .

Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo oo uu ka jiro maamul la magac-baxay Jubba, waxaa Soomaalida inteeda kale ka ilaalinaya ciidamada Kenya iyo Itoobiya. Waxaa loo damaashaadayaa Koowda Luulyo iyadoo gobollada Mudug iyo Galgaduud loo fadhiyo shir maamul-goboleed lagu dhisayo oo amaankiisa ay ilaalinayaan ciidamada Itoobiya. Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ayaa iyaguna waxaa ku sugan oo ammaaankooda sugaya Itoobiya iyo AMISOM.

Waxaan Koowda Luulyo xusaynaa iyadoo gobollada Bari, Nugaal iyo Mudug oo la baxay Puntland ay xiriir sookeeye la leeyihiin Itoobiya marka ay rabaanna yiraahda, ‘waan joojinnay wadashaqeyntii aan la lahayn dowladda federaalka ah’.

Haddaba Soomaaliyay haddii uu xaalka dowladnideenna sidaas yahay 55 sano kaddib muxuu ka dhigan yahay damaashaadka iyo dabaal-dagga Koowda Luulyo? 55 sano kaddib gobannimadeenna ma waxaan xuseynaa annagoo xor ah mise annagoo gun ah?

Soomaalaay Gob Baad Tahay Waana Lagu Gumeystaa

Haddii danaha siyaasadda ee lagu sii kala fogeynayo dadka aan laga gudbin, haddii aan la helin siyaasiyiin waddaniyiin ah oo danta gaarka ah meel iska dhiga, haddii aan la helin shacab isku duuban oo qabyaaladda duuga, haddii aan la helin dad ka fikiraya inay hiigsadaan horumarka tartanka loogu jiro ee dal kasta oo adduunka ah uu u xusul-duubayo, haddii aan la helin aqoonyahan dadkiisa u damqanaya oo diyaar u ah inuu cilmigiisa dadkiisa wax ugu qabto oo uu ku wacyigeliyo oo waddaniyadda uu ku baro, haddii aan la helin warbaahin ujeeddo qaran leh, waxaa suuragal ah meesha aan maanta taagannahay meel ka sii liidata inaan tagno, oo aan noqonno tusaale xun oo la isku caayo.