Golaha Adeegga Garsoorka oo La Kala Diray

381

Digreeto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  oo soo gaartay  Xafiiska Wargeyska Xaqiiqa Times ee Muqdisho ayaa lagu kala diray Golaha Adeegga Garsoorka oo waayadan dambe uu muran ka jiray sharci ahaanshahooda.

Digreetadan oo uu Madaxweynaha saxiixay 11kii bishan ayaa lagu cadeeyay in maalinkaas wixii ka dambeeyay inaysan jirin Golaha Adeegga Garsoorka maadaama qaabka uu hadda ku dhisanyahay uusan waafaqsaneyn Dastuurka Kumeel Gaarka ah iyo Sharciga Dhismaha Golaha Adeegga Garsoorka.

Waxaa sidoo kale Digreetadan lagu xusay in Xafiisyada Gudoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Xeer Ilaaliyaha Guud  ee Qaranka aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin digreetadan oo ay sii shaqeyn doonaan iyada oo Xukuumadda iyo Golaha Shacabkaba looga dalbaday in ay si degdeg ah usoo dhisaan Golaha cusub ee Adeegga Garsoorka.

Hoos ka akhriso Digreetada.

Digreeto