Golaha ammaanka oo ka hadlay doorashada Farmaajo

218

Golaha Ammaanka ee QM, ayaa soo dhowweyay doorashada madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Golaha ammaanka ayaa bogaadiyay is bedelka cusub ee ka dhacay Soomaaliya iyo hanaanka xasilooni ee loo maray geeddi socodka siyaasada Soomaaliya.

Waxaa ay sheegeen Golaha in mar walba ay ilaalinayaan madax bananaida Soomaaliya, xuduudaheeda, iyo midnimadeeda, iyagoo ugu baaqay Madaxweynaha cusub inuu soo magacaabo Ra’iisul Wasaare

Golaha ammaanka ayaa ammaanay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud sida sharafta leh ee dhakhsiyaha ah ee uu xilka u wareejiyay.

Goluhu ayaa sheegay in madaxweynaha cusub looga baahan yahay inuu la yimaado, hanaan shaqo oo shacabka Soomaaliyeed ku qanci karaan, kana shaqeeyo, ammaanka, dib u heshiisiinta, wax qabadka abaaraha iyo arrimo kale.