Raiisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta magaalada Muqdishi ka daah furay golaha dhaqaalaha qaranka.Golaha dhaqaalaha qaranka ayaa waxa uu ka koobanyahay khubaro dhaqaale oo Soomaali iyo ajnabi iskugu jira.
Goluhu waxa uu la talin la xiriirta dhinaca dhaqaalaha siin doonaa dawladda Soomaaliya si ay dib ugu dhisto dhaqaalaha waddanka oo aan ilaa iyo hadda hagaagsaneeyn.
Wasaaradda qorsheynta Soomaaliya ayaa iska laheyd fikirka in la dhiso gole dhaqaale kaas oo dawladda kala talin doona qaabka dib loogu dhisayo dhaqaalaha soomaaliya.
Golahaan maanta laga daahfuray magaalada Muqdisho ayaan horay uga jirin dalka waana golahii ugu horreeyay ee dawladda kala talin doona dhaqaalaha iyo maamulka maaliyadda ee dalka si sare loogu qaado daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka sidaas waxa bartiisa twitterka ku sheegay wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah Jamaal Maxamed Xasan.